Dawlada Soomaliya oo Ka Hadashay iska Hor Imad’yada u Dhaxeeya Yuhuuda iyo Falastiiniyiinta
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumada soomaaliya Balaal Maxamed Cusman ayaa ka qeyb galay shirkii Golaha Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir oo looga hadlayay weerada gardara ah ee Israโiil ee ku wajahan dhulka reer falstiin gaar ahaan magaalada Qudus iyo Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa.
Balaal Cusman oo matalayey soomaaliya ayaa khudbaddii uu ka jeediyey kulanka waxa uu ku cambaareyay duulaanka israaiil ee Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka reer Falastiiniyiinta ee aan is difaaci karin.
Waxa uu ugu baaqay bulshada caalamka inay qaataan masโuuliyadahooda sharci iyo akhlaaqiyadeed, ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israaโiil dhibaatada ku hayso.
”dhaqamadaan foosha xun, xadgudubyada joogtada ah iyo tallaabooyinka kor u qaadaya khatarta, waxaana ku baaqeynaa in lagu qasbo xoogagga ku soo duulay dhulka reer Falastiin inay u hoggaansamaan goโaannada sharci ee caalamiga ah iyo soo celinta xuquuqda dadka Falastiiniyiinta, oo ay kujirto xaqa ay u leedahay inay si xor ah ugu dhaqmaan cibaadooyinka diiniga ah”, ayuu yiri balal maxamed Cusmaan Wasiiru dowlada Wasaarada Arimaha Dibadda Ee Xukuumada Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya Ayaa Sidoo Kale waxay sheegtay In Ay xaqiijineyso u hogaansananta Hindisaha Nabadda ee Carabta oo ah ikhtiyaar istiraatiijiyadeed oo lagu xallinayo qaddiyadda Falastiin, iyadoo la tixraacayo qaraarrada sharci ee caalamiga ah iyo qaraarada khuseeya ee Golaha Amniga ee arrintan la xiriira.
Soomaaliya waxay dalbaneysaa boobka iyo qalalaasaha in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka caburinta ah ee lagu hayo dadka reer Falastin ee ku dhaqan magaalada Qudus, sidoo kale waxa ay ugu baaqeysaa caalamka inay si deg deg ah u qaadato masโuuliyadeeda si ay ugu cadaadiso Israaโiil inay joojiso dhammaan weerarada isdaba jooga ah ee Israaโiil ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin, iyagoo lagu heysto ku dhaqanka Diintooda iyo sameynta dowlad madaxbanaan, iyadoo caasimadda ay tahay Al-Qudsta sharfan






