https://www.premierbank.so/

Dablay Hubaysan oo Dad Rayid ah ku Laayay Dalka Nayjeriya

Dablay hubaysan ayaa dad gaadhaya 53 ruux ku dilay gobolka samfara ee waqooyiga dalka Nayjeeriya, sida ay cadeeyeen booliska gobolkaasi.

Dilkani loo gaystay dadka rayid ah ayaa dhacay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kuwaasi oo ilaa todoba tuullo oo hoos yimaada degmada saami oo ka tirsan degmooyinka gobolka waqooyiga nayjeeriya ee samfara.

Tuulooyinkaasi ayaa la sheegay in ugu horrayn maalintii khamiistii burcad hubaysan oo wadata mootooyin ay weerar ku qaadeen, halka jimcihii iyo sabtidiina ay u talaabeen tuulooyin kale oo ka ag dhawaa kuwaasi oo ay ka gaysteen khasaare kala duwann.

Afhayeenka booliska gobolkaasi Mohammed Shehu ayaa sheegay in 14 meyd la geeyay caasimada gobolka ee gesaw kuwaasi oo la laayay jimcihii, wuxuuna sidoo kale tilmaamay in aaggagii uu weerarku ka dhacay ay geeyeen ciidan suga amaanka, isagoo sheegay in hadda la adkeeyay amaanka goobahaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in 39 mayd oo ka mid ah dadkii ay burcaddu laa-yeen ay gacantooda ku aasteen, iyaga oo sheegay inay walwal wayn ka qabeen inay burcaddu dib u soo weeraraan inta ay ku guda jiraan hawsha aaska.

Waayo waxa meel aan sidaa u sii fogayn gabaad ka dhiganayay dablayda ayuu yidhi goob jooge u waramayay wakaaladda wararka ee AFP.

Tuulooyinka ku yaal degmada Zurmi ayaa marar badan waxaa soo weeraray burcad, dadka deegaanka ayaa xannibay waddo weyn usbuucii la soo dhaafay, iyagoo ka dalbaday maamulka gobolka inay ka hortagaan weerarada ay fuliyaan kooxahani. Balse arrintaasi ma suurto galin.

Woqooyi-galbeed iyo bartamaha Nigeria ayaa sannadihii la soo dhaafay waxay gacanta u galeen kooxo burcad ah kuwaasi oo falal dil iyo afduubasho isugu jira ka fuliya gudaha dalkaasi, keliya intaasi maaha waxay bililiqaystaan oo dhacaan dadka iyagoo sidoo kale dab qabadsiiya guryahooda. Inka badan 850 arday ayaa la afduubay ilaa bishii Diseembar laakiin badankooda waa la siidaayay kadib markii ay madax furasho ka bixiyeen eheladoodu.

https://www.premierbank.so/