https://www.premierbank.so/

Ururka suxufiyiinta soomaalilnd ee solja oo shaaciyay inay ku gulaysteen sii daynta 15 suxufi

Ururka saxafiyiinta Somaliland Solja Ayaa Shaaciyey inay ku guulaysteen sii daynta 15 suxufi oo mudooyinkii u danbeeyey ku xidhnaa gobolada Somaliland.

Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta Somaliland Ee Solja Sakariye Axmed muxumed Ayaa ka warbixiyey sii daynta suxufiyiinta oo uu ugu danbeeyey Wariye adan Cabdi Ciidle oo u xidhnaa gudoomiyaha baanka dhexe Ee Somaliland.

Gudoomiye Sakariye ayaa suxufiyiinta Somaliland uga digay inay ka digtoonadaan dhacdooyinka naftiisa iyo qarankiisa halis galin kara.

Mudane Sakariye Ayaa sidoo kale ugu a Hambalyey saxafiyiinta Somaliland munaasibada maalinta saxafada aduunka oo ku beegan 2 bisha may waxanu is dul taagay duruufaha kala duwan Ee warbaahinta Somaliland ku shaqeeyaan.

https://www.premierbank.so/