https://www.premierbank.so/

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in dib loo fasaxay qaadkii

Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddiga heer qaran ee ka hortagga xanuunka Coronavirus ayaa ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in waxii Axadda maanta ka bilaabma uu qaadku sidiisii caadiga ahayd usoo gali doono deegaanada Somaliland,lagana soo horeysiiyay wakhtigiisii muddo 4 maalmood ah.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa sidoo kalena war-saxaafadeedka uu soo saaray waxa uu ku sheegay in guddiga uu gudoomiyaha u yahay ee Coronavirus ay sidoo kalena soo saareen habraacyo lagu ilaalinato caafimaadka bulshada oo ka kooban 7 qodob oo kala ah.

  • In kolayga ama marfashka ay qaadka ku iibin karaan laba qof oo kaliya,kuwaas oo isku jirsanaya masaafo dhan 2 Mitir.
  • In ay xidhaan qalabka ka hortagga xanuunka ee Af iyo san xidhashada iyo waliba gacmo gashiga.
  • In shirkadaha qaadka keenaa ay marfashyada dhigaan Jeermis dilaha Alkool loo yaqaano ee gacmaha la marsado
  • In darawalada gaadiidka iyo shaqaalaha nla socdaaba ay isticmaalaan qalabka lagag ahortago xanuunka Coronavirus
  • In shaqaalaha guud ahaan ka shaqeeya shirkadaha qaadku in ay dhigaan qalabka lagu baadho xumadda ayna baadhaan qof kaste oo soo shaqo galaya
  • In dadka iibsanaya qaadku ay isku jirsadaan 2 Mitir ayna galaan safar dhaadheer.
  • Ugu danbayna qodobada guddigu soo saartay waxa sidoo kalena lagu booriyey bulshada in aanay iskugu imaanin marfashyada iyo goobaha lagu qayilo.

Lama garanayo manay cadayn xukuumadda Somaliland sababta keentay in la fasaxo qaadkii iyada oo aan la gaadhin wakhtigii ay hore u qabteen oo ku beegan 21 May, waxa xusid mudan in mudadii la joojiyey qaadka uu ka dhashay khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh. Iyada oo dawladduna la wareegtay gaadiid tiro badan oo lagu soo qabtay qaadka iyaga oo smoo galinaya gudaha dalka.

 

https://www.premierbank.so/