Bilayska
dalka Kenya ayaa 25 kii Feeberweri xabsiga u taxaabay shan ruux oo lagu
eedeeyey in ay bambo gacmeed ku tureen ciidan bilays ah oo isniintii marayey
mid ka mid ah jidadka magaalada Nayroobi.
Wargeyska
the Nation ee ka soo baxa dalka Kenya oo soo xiganaya warbixin uu bilaysku
dhacdadan ka soo saaray ayaa sheegay in koox ka kooban sagaal ruux oo jidka
marayey uu bilaysku ka shakiyey, kaddibna isku dayey in uu joojiyo si su’aalo
loo weydiiyo, laakiin ay baxsadeen.
Bilayska
ayaa eryaday sagaalkan ruux ee ay ka shakiyeen oo saarnaa 3 mootooyinka aadka u
dheereeya ah, markii ay cabbaar ereynayeen ayaa mid ka mid ah kooxda la
eyeyanayey bilayska ku tuuray bambo gacmeed sida muuqata uu doonayey in uu
iskaga reebo, laakiin ma’ay qarxin.
Bilayska
ayaa qabtay lix ka mid ah kooxdan oo qaarkood ay mootada ka dhaceen, kuwo
kalana isku dayeen in ay lug ku baxsadaan.
Muddooyinkii
dambe waxaa dalka Kenya marar kala duwan ka dhacay weerarro khasaare badan
geystay oo uu sheegtay ururka Al-Shabaab, sidaa awgeed waxaa inta badan heegan
aad u sarreeya ku jiray bilayska oo baadha ama waraysta cid kasta oo ay ka
shakiyaan.
Si
kastaba ha ahaato ee Weli lama oga cidda ay kooxdan bambada tuurtay ka tirsan
yihiin iyo ujeedada hawlgalkoodan, laakiin goobta lagu qabtay oo suuq ahayd iyo
dhalashadooda oo dhammaan Kenyaan ahayd ayaa abuurtay dareen ah in ay yihiin
budhcad boob u socotay.