https://www.premierbank.so/

Jabuuti ayaa 24-kii saacadood ee u danbeeyey waxa laga diiwaangaliyey 21 kiis oo cusub oo xanuunka Coronavirus ah

Wasaaradda caafimaadka Jabuuti ayaa sheegtay in 248 qof oo baadhitaano caafimaad lagu sameeyey in xanuunkan Coronavirus laga helay 21 qof oo kamid ah, kuwaas oo tirada guud ka dhigaya Kun iyo 210 qof.

Wasaaradda caafimaadka Jabuuti waxay sheegtay wali tirada dadka u dhintay xanuunkana y marayaan 3 qof halka sidoo kalena ay ka bogsadeen 847 qof.

Ma jirto cid xaalad culus ugu jirta xanuunka Covid19 dalka Jabuuti, waxaana la sheegay in xanuunkan laga baadhay guud ahaan dad kor u dhaafaya 15 kun oo qof.

Dhinaca kalena raysal wasaaraha dalka jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamad ayaa sheegay in muuddo Toddobaad ah lagu daray muddada xayiraadda ee dalka jabuuti.

Raysal wasaaraha Jabuuti waxa uu sheegay in bandowgani uu saarnaan doono Jabuuti ilaa 17 bishan May madaama oo si buuxda loogu guulaysan waayey xakamaynta xanuunkan

Raysalwasaare Cabdulqaadir Kaamil ayaa carrabka ku adkeeyay in dadku ay guryahooda ku nagaadaan oo ay kala fogaanshaha ilaaliyaan.

Ugu Danbayna Raysal wasaare Kaamil waxa uu intaasi ku daray in dawladduu ay sii wadi doono baadhitaanada guud ee lagu wado dadka.

Go’aankan ayaa kusoo beegmaya kadib markii maalmihii u danbeeyey u hoos u dhacay tirada guud ee dadka laga helayo xanuunka Coronavirus,taas oo ka yar wakhtigii hore inta laga heli jirey.

 

 

https://www.premierbank.so/