https://www.premierbank.so/

Itoobiya ayaa si rasmi ah u bilowday dhaam biyood kale oo laga hirgalinayo gobolka Tigrey

Hargeysa(CBA-Tv)- Warkan oo lagu baahiyey warbaahinta dawladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Dhaaam biyoodkan oo lagu magacaabo Khaza Dhaam uu qaadan doono dhamaystirkiisu muddo 4 sanno ah.

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in dhaamkan oo dhererkiisu uu dhan yahay 3 killoo mitir iyo joogiisa oo 57 Mitir ah ay ku baxayso lacag dhan 76 Million oo Dollar. Waxaana dhaam biyoodkan cusub ee laga hirgalinayo gobolka Tigrey uu waraabin doonaa dhul dhan 10 kun oo Hiktar, halka sido kalena ay ka faa’idaysan doonaan dad kor u dhaafaya 20 kun oo Beeralay ah sida lagu sheegay warkan lagu baahiyey warbaahinta dawladda.

 

Xukuumadda Itoobiya ayaa intaasi ku dartay warkan qoraalka ah ee ay soo saartay in sidoo kalena gobolka Tigreyga ay ka socdaan mashaariico kale oo ay tusaale usoo qaadatay mashruuc waraabin ah oo gobolkaasi laga hirgalinayo.

Bilaabista dhaaam biyoodkan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli muran biyood muddo dheer soo jiitamayay uu u dhaxeeyo dalalka Masar iyo Itoobiya,kaas oo ka curtay biyaha wabiiga Niilka.

Dawladda Itoobiya ayaa  hirgalinta dhaamamka cusub waxay u aragtaa inay lama huraan u tahay horumarka dalkeeda, halka Masarna ay u aragto halis kusoo fool leh biyihii wabiga Niilka oo ay masar ku tiirsan tahay.

Dhaam biyoodkan cusub ee Itoobiya ka hirgalinayso gobolka Tigreeyga ayaa laga cabsi qabaa in uu sii huriyo khilaafka u dhaxeeya dalalka Itoobiya iyo Masar.

https://www.premierbank.so/