https://www.premierbank.so/

IMF ayaa asixiyay in Dalal ku yaala Qaarada Africa gaar ahaan dalalka Geeska Lasiiyo Dayn Lacageed oo lagu beegayo inta lagu jite xaalada Covid19

Dalalkaasi ayaa Kala ah DAlka Jbuuti oo La Siin Doono Lacag Dayna oo Dhan 43 Milyan oo Dollar iyo Dalka Itoobiya oo isna Loo ansixiyey in La Siiyo aduun Lacageed oo Gaadhaya 411 Milyan oo Dollar.

Lacagtan daynta ah ee Jabuuti Dalbatay ayaa Ka Dhalatay Saamaynta Dhaqaale ee Xanuunka Dunida Kala Xidhay ee Covid19 kaasi oo Dalkaasi Ku Riday Dhaqaale yaraan Xoogan

Waxana  laga saadaaliyay in dhaqaalaha Dajbuuti  hoos u dhaco 1% GDP ga sanadkan oo ka hoosaysa sanaddii hore in badan. Lacagtan waxa loo sii dayn doonaa qayb qayb.

Dhinaca kale, kenya dhaqaale xumo soo wajahday ayaa miisaaniyaddii wadanku gashay hoos u dhac xaga miisaaniyadda ah ka dib markii ilihii wax soo saarka hoos u dhaceen.

Dhinaca Kale   Ethiopia Iyana xanuunka coronavirus saameeyay ayaa waxa loo asixiyay 411 million oo dollar ay siinayso sanduuqa lacagta ee IMF. Lacagtan waxa loogaga faaiidaysan doonaa waxyaabaha muhiim ka ah Gaar ahaan   qalabka ay xidhaan shaqaalaha caamifaad ka si uga taxadiraan inay noqdaan dhibane oo ay qaadaan xanuunkan halista badan.

Mashruucan lacag bixinta ah ee dalalka Geeska Africa qaar ka mida uu ugu Baaqay Bangiga aduunka ee Magaciisa loosoo Gaabiyo IMF ayaa waxa uu si toos ah u Hoos Tagi Sanduuqa Loogu Talo galay Gurmadka Gargaarka deg dega ah ee La Dagaalanka Xanuunka Corona Vires.

 

 

https://www.premierbank.so/