https://www.premierbank.so/

Dalka suudan ayaa gabi ahaan ku gacan saydhay dalab uga yimi Ethiopia oo ahaa inay saxeexdo hashiis bilow ah oo ay Ku ogaalaanayso in Ethiopia buuxiso dhaamka ay dhisanayso ee muranka badani ka dhashay

sudaan way diiday Dalabkaasi  waxaanay Sheegtay In aanu Jirin Qorshe loo dhan yahay oo Sadex Geesood ah iyada oo dhanka kale sheegtay in qorshaha ay Itoobiya Ku Dhisanayso Dhaamka uu Saamayn Bulsho oo Raad Reebi Kara uu Ku Keeni doono Bulshada Kala Duwan ee Degan Meelaha uu maro Wabiga Niilku.

Aby Axmed riisal wasaaraha Ethiopia waxa ku adkeeyay Cabdale Xamdook raisal wasaaraha sudan inuu saxeexo  hashiiskan, Balse Go,aankaasi raysal Wasaare Cabdale Xamdook Ganafka ayuu ku Dhuftay.

Dalalka Sudan iyo masar waxay  cabsi xoogan Ka qabaan inay waayi doonaan biyaha Xooga Badan ee ay ka Faa,idaysataan Dadka Labada Hadii ay itoobiya ka Dhabayso Xidhitaanka Dhaamka Wayn ee ay Wali Murankkisa Isku Mari laayihiin Dalka MAsar.

Sida ay shegtay wakaaladda wararka ee sudan, xamdook waxa uu sheegay in ay tahay hashiis ay Wada gaadhaan Sadexda Dal ee Suudaan Masar iyo itoobiya inta Ka Suudaan ahaan aanay Si gaara u Ogolaan in Itoobiya ay Samayso Dhaamkaasi markaasi oo ay sheegtay Wakaaladu in uu Raysal Wasaaruhu balan Qaaday inu Saxeexi Doono marka uu arko Heshiish Loo Dhan yahay

Muran xoogan oo Soo jiitamayay Tan iyo 2011 markaas Ethiopia dhagax dhigtay dhaam wayn, waxa bilaamay hadal xanaf badan wata oo ka dhex istaadhmay wadamadda wadagaa biyaha nile-ka hadaladdaa wax ka mid markii raiisal wasaaraha Ethiopia yidhi joojintiisa waxaanu ka xignaa dagaal, sidaas waxa uu  yidhi sanadkii hore, hadalkani.

Dhanka Kale Dawlada MAsar ayaa Dhankeeda Dhowr jeer ku Celisay Inay Duqayn Doonto Goobta Laga Dhisayo Dhaamka iyada oo ku Doodaysa In ay yaraan Doonaan Biyaha Wabiga Ka Yimaada Itoobiya ee Mara Dalkeeda.

Dalwada Itobiya ayaa Dhaan Dawlada Maraykanka Ku eedaysay inaanay Dhex ka ahayn Muran Biyoodka Wabiga Niilka ee Kal Dhaxeeya Dalka Masara Xiligaasi oo ay Dawlada Maraykanku Dalka Itoobiya ku Dhaliishay Go,aanka ay Ku Dhisayso Dhaamka Muranka Dhaliyey.

Ethiopia waxay Ku Doodaa In Biyaha Wabiga Niilku ay Yihiin Lafdhabarta Dhaqaale ee Dalkeeda Halka Waddanka Masara Cabsida ugu wayn ee ay Qabaan ay tahay inay waayaan Biyahii Badnaa ee Ay manaafacaadsan Jireen Dadkeedu.

sudaan iyaddu way ku faraxsan tahay waayo waxay heli doontaa laydh ku filan wadankeeda waxana yaraan doona fatahaaddaha uga yimaada Biyaha Wabigani Niilka INkasta oo ay Iyadu Wali Isku Dayayso inay Dhex ka ahaato Muranka u Dhaxeeya Labada Dal ee ay Wadaagaan Biyaha isla markaana haatanba diidy inay Itoobiya u meel mariso Istcimaalka Biyaha si ay u Smaystaan Dhaamka way nee ay Itoobiya Qorshaysay inay Ka Dhaliso Laydh Koronto.

Wabigan Qaniga ah ee Nile ka ayaa  dhararkiisu yahay 3,99 oo mile Waxaanu halbowle u ah biyo siinta iyo laydhka Dalalka Kala Duwan ee ay Dhex Maraan Nileka Buluuga ah iyo Kan Cad Kuwasi oo Ku Kulma Duleedka Caasimada Suudaan ee Khartuum.

 

https://www.premierbank.so/