https://www.premierbank.so/

Saraakiil Ku Dhimatay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay khasaaraha ka dhashay Qarax uu fuliyay qof isku soo xiray Walxaha qarxa oo beegsaday Saldhiga Booliiska Degmada Waaberi Oo ku Yalla goob Aad Mashquul Badan.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Sadiiq Aadan oo Warbaahinta la hadlay Xalay Waqti dambe ayaa waxa uu sheegay in dadka ku naf waayay qaraxaas ay yihiin 6-ruux oo ay kamid yihiin Taliyihii Saldhiga Booliiska Waaberi Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Baashane Calooley Iyo Taliye ku xigeenkii qaybta Waliyow Cade Gaashaanle Cabdibaasid Maxamuud Cagay, Askar iyo dad rayid ah Oo ka Ag Dhawaa goobta qaraxa.

Sadiiq Aadan Doodishe Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxa uu intaas ku daray in xiliga uu qaraxa dhacayay in goobta ay ku sugnaayeen Saraakiil & Askar katirsan Booliiska oo waxyar kahor dhacdadaas goobta ku afuray.

Afahayeenka ayaa intaas kubdaray inaysan marnaba ka niyad jabayn ushaqaynta dadka shacabka isagoona bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan Laaamaha Amaanka.

Dhibaatada ka dhalatay Qaraxan Oo jugtiisa si weyn looga maqlay Dagmooyinka Waxaa ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin kala duwan, waxaana kamid ah Madaxweyne Farmaajo,Ra’iisul Wasare Rooble, Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax, Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo shaqsiyaad kale Oo ay Ku jiraan Madaxwynayaal Hore.

Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarka ismiidaaminta ah ee ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, iyaga oo shegay inuu bartilmaameed-koodu ahaa saraakiisha geeriyootay & kuwa dhaawaca ah waa sida hadalka loo dhigay.

Dalka somaliya ayaa inta badan waxa ka dhaca qaraxyada noocan oo kale ah ee lagu beegsanayo ciidanka xoga dalka somaliya iyo xubnaha ka tirsan dawlada, halkaas oo inta badan dadka shacabka ah ay kasoo gaadho dhimasho iyo dhawac

https://www.premierbank.so/