https://www.premierbank.so/

32 Qof oo Ku Dhintay Shil Tareen oo Dhacay Dalka Pakistan

Ugu yaraan 32 qof oo rakaab ah ayaa dhintay halka 98 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen shil tareen oo ka dhacay koonfurta dalka Pakistan subaxnimadii hore ee saaka.

Shilkani ayaa yimi kadib markii ay isku dhaceen labo tareen oo ay kala lahaayeen shirkadaha tareenada ee Sir Sayid Express iyo Millat Express oo qayb ka ah shirkadaha socdaalka dhanka tareenada ee dalkaasi. goobta uu shilku ka dhay ayaa ayaa ah meel u dhaw magaalada dhaki halkaasi 273 mayl waqooyi ka xigta magaalada ugu wayn Pakistan ee karaji.

Qof goob jooge ah oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa u sheegay in tareenka ay leedahay shirkadda tareenada ee millat oo usii jeeday dhanka waqooyiga ay qaybtiisa danbe ka baxday wadadii loogu tala galay, isla markiibana uu ku dhacay tareenka kale oo iska usii jeeda dhanka koonfurta.

Ciidamada milatariga ee dalkaasi ayaa sheegay inay isla markiiba u direen ciidamo gurmad degdeg ah u fidiya iyo sidoo kale diyaarado ka mid ah kuwa qumaatiga u kaca ee helicobterka. Sidaa darteedna ay ku hawlan yihiin samata bixinta iyo gargaar u fidinta dadkii wax ku noqday shilkaasi.

Ciidamada ayaa ilaa hadda xaqiijiyay in qasaaruhu uu yahay 98 qof oo dhaawac ah iyo 32 kale oo dhimasho ah, balse ayna soo dhamaan hawlgalada lagu samato bixinayo rakaabka, sidaa dalkeedna ay suurtagal tahay in saacadaha soo socda uu khasaaruhu intaasi ka sii kordho.

Raysal wasaaraha dalkaasi Imran Khan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa tuwitarka ku sheegay in uu shilkaasi aad uga xun yahay, isla markaasina tacsiyeeyay ehelada ay dadkoodu ku dhinteen shilkaasi oo uu ku sheegay in uu yahay shil foolxun. Raysak wasaaraha ayaa sheegay in uu wasiirka faderalka u qaabilsan tareenada uu ka codsaday in uu gaadho goobta isla markaana uu soo qiimeeyo inta uu le’eg yahay qasaaraha goobtaasi ka dhashay.

https://www.premierbank.so/