https://www.premierbank.so/

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shirre Ayaa Shaaciyey In Hoos U Dhac Ku Yimi Miisaanadiyad Sannadeedka 2021ka Oo Boqolkii.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shirre Ayaa Shaaciyey In Hoos U Dhac Ku Yimi Miisaanadiyad Sannadeedka 2021ka Oo Boqolkii.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Mudane Sacad Cali Shire Oo Salaasada 18ka Ogosto Kulan Xog Waraysi ay La Yeesheen Gudidda Dhaqaalaha Iyo Ganacsiga Ee Golaha Wakiiladdda Somaliland Ayaa Sheegay In Sababta Ugu Wayn Ee Hoos U Dhigtay Miisaaniyada Ay Tahay Xanuunka Safmarka Dunida Ku Noqday Ee korono Viruis.
wasiirka ayaa Walaac Ka Muujiyey Dhibaatada Dhaqaale Ee Uu Sababay Xanuunka korono Viruis isgaoona sheegay In Sannado Qaadan Doonto In Laga Soo Kabto Iyo waliba In Talaal Loo Helo Isagoona Dhanka Kale Gudidda Dhaqaalaha Uga Warbixiyeen Xogta Miisaaniyada Qaranka Iyo Siday U Arkaan Odoros Miisaaniyad Sanadeedka Saddexda Sanno Ee Soo Socda.
Dhinaca Kale Gudoomiyaha Gudidda Dhaqaalaha Iyo Ganacsiga Ee Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane Cumar Sanweyne Ayaa Isaguna ka warbixiyey Waxyaabaha Ay kaga wadda hadleen kulankan ay la yeesheen Kulanka Wasiirka Maaliyadd.,
Waxanu Xusay In Sabab U Yihiin dhawr qorob oo kala ah Xanuunka Corono Viruis Ee Aduunka Ka Dilaacay oo Samayn Ku Yeeshay Isu Socodkii Dadka Iyo Badeecadaha, Xoolihii Loo Dhoofin Jiray Dalka Sacuudi Oo Aad U Yaraaday,Ayaxa Samayn Xoogan Ku Yeeshay Waxsoorka Dalka Iyo Sidoo Kale Khudradii Ka Iman Jirtay Dalka Itoobiya Oo Istaagtay sicir bararna laga dareemay suuqayada dalka sida u hadalka u dhigay.

https://www.premierbank.so/