https://www.premierbank.so/

Ganacsatada khaadka ama jaadka ee dalka kenya ayaa sheegay inay khasaareen kumanaan doollar kadib markii sida ay sheegeen diyaarad siday khaad dhan 13.6 tan oo u socotay magaalada Hargeysa ee Somaliland hawada laga soo celiyay.

Ganacsatada khaadka ama jaadka ee dalka kenya ayaa sheegay inay khasaareen kumanaan doollar kadib markii sida ay sheegeen diyaarad siday khaad dhan 13.6 tan oo u socotay magaalada Hargeysa ee Somaliland hawada laga soo celiyay.
Nyambene oo ah guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada jaadka ee Kenya oo la hadlayay warbaahinta maxalliga ee Kenya ayaa sheegay in diyaaradaas siday jaadka hawada laga soo celiyay maalintii sabtida, inkastoo oo uu sheegay in markii hore loo oggolaaday in ay jaad halkaas geyso.
Falkan ayay ganacsatada sheegeen in ay ka caroodeen, wuxuuna intaa raaciyay in lacag dhan 80 kun oo doollar ay khasaarayan haddii aanan jaadka lagu geynin xilliga loogu tala-galay.
“Jaadkaas qiimihiisu wuxuu ahaa 30 kun oo doollar, 25 kun oo doollar waxay noqoneysaa gaadiidka lagu qaadayo oo aan dib loo soo celin karin, waxaanu oggolaansho ka helnay hey’adda duulista rayidka ee Somaliland, waxwalbana sidii la rabay ayay ku socdeen ilaa markii dambe diyaaradda ay gashay hawada Soomaaliya, duuliyihii diyaaraddana lagu yiri waxaad siddaa shixnad sharci darro ah ee dib u laabo,”ayuu yiri Munjuri oo la hadlayay wargeydka Standard ee dalka Kenya.
Jaadkii saarnaa diyaaradda lasoo celiyay ayay sheegeen in haatan uu dhooban yahay garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi, waxayna dalbadeen inay ogaadaan sababta loo soo celiyay diyaaradda.
Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in helitaanka suuqa jaadka ee Somaliland ay ahayd arrin ay ku farxeen markii hore, culeys weynna ka qaaday, maadaama ay suuq la’aan ku dhacday jaadka tan iyo markii uu dunida ka dilaacay feyraska corona.
“Waxaan isku dayeynay in dib loo furo xadka aynu la wadaagno Soomaaliya, si loo fududeeyo ganacsiga, balse waxay u muuqataa in aysan waxba kala soconin”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Hargeysa oo inta badan jaadka uu uga iman jiray dalka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in qaad la’aan ay ka jirto, kadib markii ay rabshado ka dhaceen deegaanka Oromada oo ah halka laga keeni jiray.

https://www.premierbank.so/