https://www.premierbank.so/

Boqorka beesha Gabooye Boqor Axmed Iimaan Warsame ayaa madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi nku eedeeyey inuu ku fashilmay isku soo dhawayntii blshada.

. Isaga oo wax laga xumaadona ku tilmaamay in madaxwaynuhu madaxdhaqameedka Somaliland ka dhaliilo warbaahinta isaga oo ay la gudbon tahay in uu xafiiska ugu yeedho waxii dhaliil ahna u sheego.

Boqor Axmed Iimaan Warsame oo Sabtida 20 June Codka Bariga Afrika kula hadlay Hargeysa ayaa sidoo kalena sheegay in beesha uu kasoo jeedo aan laga qayb galin wada hadalada Somaliland iyo Somaliya,taasina ay marag fur u tahay in beeshiisu ay qariib ku tahay dalka. Isag aoo madaxwayne Biixi uug baaqay in bulshada beeshiisa uu u sameeyo wax uu ugu yeedhay kaadhka degenaanshaha dalka sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kalena Boqor Axmed Iimaan Warsame waxa uu sheegay in qodobadii kasoo baxay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ay yihiin kuwo aan cusbayn balse ay yihiin kuwo hore loogu heshiiyey. Waxaana uu tilmaamay in xubnaha guddiga wada hadalada u matalaya Somaliland ay yihiin kuwo aan nku haboonayn hawshaasi madama oo ay ka muuqatay kalsooni darro sida uu hadalka u dhigay.

 

 

https://www.premierbank.so/