https://www.premierbank.so/

Milateriga Kuuriyada Waqooyi ayaa isku diyaarinaya in uu u ruqaansado aagga Milateriga ka caaggan ee kala qaybisa labada Kuuriyo.

Waxaana ciidamada Milateriga Kuuriyada Waqooyi ay maalmihii u danbeeyey so bandhigayeen dhoolo-tusyo kala duwan. Waxaana gooddigan uu qayb ka yahay jawaab loo dirayo kooxo kuuriyada waqooyi ka goostay oo Kuuriyada Koonfureed iyaga oo ku sugan hadalo dhaliilo ah usoo direy madaxda Kuuriyaa Waqooyi.

Dhamaadka todobaadkiii hore ayaa ay ahayd kadib markii haweenayda awooda badan ee la dhalatay hogaamiyaha kuuriyada waqooyi ay ciidamada Milateriga ku amaartay inay isku diyaariyaan inay ku ruqaansadaan xadka Kuuriyada Koonfureed.  Waxaana saraakiisha ciidamada dalkaasi ay sheegeen inay diyaar yihiin,sidoo kalena aaggaasi Milateriga ka caagan ay ka hirgalin doonaan saldhig wayn oo feejignaantiisu sarayso.

Xiisadaha u dhaxeeya labada dal ee ka taagan xadka kala qeybiya ayaa sare u sii kacayay in mudda ahba, halkaas oo badanaa la isku dhaafsado buufinno ama Biibiilayaal ay farriimo ku xardhan yihiin.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Kuuriyada Koonfureed ayaa Taladaadii iyadoo ka jawaabaysa hanjabaddaas cusub waxa ay sheegtay inay si dhaw Mareykanka ugala shaqeynayso la socoshada dhaqdhaqaaqyada milateri ee Waqooyiga.

Madaxa shaqaalaha dowladda kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay in ciidammadu ay “heegan sare” ku jiraan oo ay diyaar u yihiin inay “si degdeg ah oo adag” ay u fuliyaan go’aannada dowladda.

Bayaanka ayaa imanaya kaddib markii gabadha la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ay Sabtidii ku hanjabtay inay Koonfurta ka qaadi doonaan tallaabo milateri ayna gaadhay wakhtigii ay si rasmi ah u kala go’I lahaayeen masuuliyiinta kuuriyada koonfureed.

Gabadha awooda badan haysata ee la dhalatay hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Waxa ay ballanqaadday inay “tallaaba” qaadi doonto, waxaana ay sheegtay inay amartay milateriga, bayaankeedana waxa ay ku soo gunaanadday hadalo nuxurkoodu ahaa “Qashinka meesha loogu talagalay ayaa lagu ridaa.”

 

Kooxaha ay hogaamiyaan dad ka goostay Kuuriyada Waqooyi ayaa badanaa waxa ay buufinno ama biibilayaal u diraan dhinaca kale ee xadka, buufinnadaas oo ay ku dhex jiraan warqado iyo waxyaabo kale, oo ay ka mid yihiin, cunno, lacago,  raadiye iyo qalabka USB-ga oo ay ku duuban yihiin warar iyo ruwaayado Kuuriyada Koonfureed lagu sameeyay. Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa hore isugu dayday inay joojiso kooxahaasi, iyadoo ku doodday in falalkaas ay ku kacayaan ay halisgalinayaan nolosha dadka ku nool goobaha u dhaw xadka.

 

https://www.premierbank.so/