https://www.premierbank.so/

Kiisaska Cusub Ee Cudurka Ayaa Celcelis Ahaan Gaadhayay In Ka Badan 3,000 Maalintii

Todobaadkii Ugu Horeyay Ee Bishaan Juun, Taasi Oo Ka Dhigan In 50% Ay Sare U KacdayTodobadkii Ka Horeyay.Tirada Ayaa Ka Sare uga Kacday 3,574, Khamiistii Oo Ku Beegneed 4-Ta Bishaan Juun, Ka Hor Inta Aaney Hoos U Soo Dhicin.

Sodonkii Bishii Maarso Ayaa Tiradii Ugu Badneyd Waxaa Ay Gaadhay 3,186, Intii Lagu Guda Jiray Bilowga Cudurka, Iyadoo Xiligaas Ay Iiraan Ka Mid Noqotay Dalalka Uu Aadka Fayrasku U Saameyay Marka Laga Soo Tago Dalka Shiinaha Oo Ah Halkii Uu Ka Soo Bilowday .

Waqtigaas, Mas’uuliyiinta Dalka Iiraan Waxaa Lagu Dhalleeceeyay Sida Ay Uga Gaabiyeen Xidhitaanka Masaajidda Iyo Goobaha Muhiimka Ah Ee Diinta Ee Magaalada Qom Iyo In Aan Si Dhaqso Ah Loogu Dhaqaaqin Xakameynta Cudurka.

Kadib, Bishii Abriil, Markii Tirada Kiisaska Cusubi Ay Hoos Uga Dhacday 1,000, Ayaa Iiraan Waxay Bilowday Inay Fududeyso Xayiraadihii Ay Horey U Soo Rogtay.

20-Kii Bishii Abril: Suuqyada Ayaa Dib Loo Furay Sidoo Kale Waxaa Dib U Bilowday Safaradii Gobalada Dalkaas.

22- Bishii Abril: Waxaa Dib Loo Furay Goobaha Dadweynuhu Isugu Yimaadaan Oo Ay Ku Jiraan Goobaha Madadaalada Gaadiidka Iyo Xafiisyada Bangiyada Guudahaan Dalka Iiraan Ayaa Si Caadi Ah U Shaqeynayay .

Markii Hore Faafidda Cudurka Waxaa Ay Ka Jirtay Magaalada Qom Iyo Caasimada Tehraan.

Balse Hadda, Waxaa La Soo Sheegayaa In Koonfur Galbeed Ee Dalkasi, Gaar Ahaanna Gobolka Khuzestan, Oo Ah Gobol Saliida Qani Ku Ah Isla Markaana Xad La Wadaaga Ciraaq Uu Cudurku Ku Badanyahay .

Waxaa Si Cad U Muuqata In Kala Fogaansho La’aanta Bulshada Iyo Dabcinta Xayiraadaha Ay Qayb Ka Qaateen Faafitaanka Covid-19, Balse Saraakiisha Ayaa Qaba In Mar Walba Oo Sare Loo Qaado Baadhitaannada Dadka Iyo Tijaabooyinka Ay Tirada Dadka Laga Helayo Cudurka Badan Karto

https://www.premierbank.so/