https://www.premierbank.so/

Dawlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay in fashil iyo natiijo la’aan ay kusoo dhamaadeen kulamo kala duwan oo lagaga hadlayay arrimaha doorashooyinka Somaliya

Waxaana ay arrintaasi ku eedeeysay xafiiska madaxwaynaha dawladda Somaliya.

Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kalena sheegtay in xafiiska madaxwaynaha Somaliya uu ka biyo diiday in wakhti munaasib ah u qabto shir wadatashi ah oo madaxda dalka SOmaliya si hordhaca uga shiraan xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

War murtiyeed afar bog ka kooban oo ay kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kalena dawladda Somaliya lagu eedeeyey in ay ka caggo jiiday safar gogol xaadh ah oo madaxwaynaha Puntland uu ku tagi lahaa magaalada Muqdisho, sidoo kalena aanay wali kasoo jawabin gogoshii Punland u fidisay dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada si xal looga gaadho khilaafka.

Puntland ayaa intaasi ku dartey eedaynteeda in dawladda Somaliya ay si badeedha u xagal daacisay shaqadii guddiga

farsamada si ay uga hortagto qabsomida shir wadatashi ah oo dhex mara madaxda dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada. Sidoo kalena waxay xustay in dawladda Somaliya ay si badheedha u marin habaabinayso in dalka ay ka dhacdo doorasho iyada oo xeerinaysa dano gaar ah oo aanay magac dhabin.

Dawlad goboleedka Puntland waxay xukuumadda Somaliya ku eedeysay in ay waddo qalaalo siyaasadeed iyo mid amni, sidoo kalena ay dhaqaale u adeegsanayaan kicinta bulshada si dawlad goboleedyada loga abuuro Khalkhal amni iyo xasilooni darro siyaasadded arrintaasi ay qayb ka tahay isku dayga dawladda fadaraalka ah ee burburinta hanaanka fadaraalka ah iyo tallo wadaaga labadaba sida lagu sheegay war-murtiyeedka madaxtooyada Puntland kasoo baxay.

Dhinaca kalena dawlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay inay shaacinayso in ay ka go’an tahay xukuumad iyo shacabba midnimada Somaliya iyo hirgalinta dawladnimo ku dhisan hanaanka fadaraalka ah oo waafaqsan dastuurka Somaliya. Waxaana ay sidoo kalena sheegtay inay soo dhawaynayso baaqa aqalka saree e Somaliya ee ah in la qabto shir wadatashi.

 

https://www.premierbank.so/