https://www.premierbank.so/

Wadanka Sacuudi Arabiya ayaa La Sheegayaa inu Wado Qorshayaal Kala Duwan oo uu sanadkani ku Wajahayo Xaalada Xanuunka Corona Vires

Xili Mudo Kooban Ka Hadhsan tahay Waqtigii ay Muslimiinta Xujayda ahi isku Diyaarinayeen inay Tagaan Xajka Sanadka.

Waxaana haatan Socda Dadaalo ay ku Doonayaan sidii ay uga sii gaashaaman lahaayeen Xaaalada Xanuunka iyo Xadidaada Tirada Dadka ah ee Sanadkani u Imanaya Acmaasha Xajka Magaalada Barakaysan ee Makka.

Dalka Suciidga waxa uu Gaadhay Dadka uu Ku dhacay xanuunku in ka badan Boqol kun oo qof, kuwaasi oo haatan dawlada la taclayso xaaladooda hore waxay dawladu u qaaday talaabooyin kala duwan oo lagaga hortagayo faafitaanka corona vires inkasta oo markii dambe ay khafiifisay

dawladu,Qiyaastii 2.5 milyan oo qof ayaa sanad kasta taga magaalooyinka Makka iyo Medina, si ay usoo gutaan Xajka, waxaana Sacuudiga sanadkiiba kasoo gala dakhli dhan 12 bilyan oo dollar.

Sacuudi ayaa bishii March weydiisatay Muslimiinta inay hakiyaan qorshyaashooda Xajka, waxaana illaa amar dambe ay hakisay Cumradii.Lab il-wareed oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay ka fakarayaan in sanadkan la ogolaado “kaliya tiri matalaad ah”, ayada oo lasoo rogi doono tallaabooyin adag oo ay ka mid yihiin inaan la ogolaan dadka da’da ah, iyo in tijaabooyin caafimaad oo dheeraad ah lagu Sameeyo Xujayda.

Mas’uuliyiinta ayaa rumeysan in ayada oo la raacayo hanaan aad u adag, la ogolaan karo kaliay 20% qoondada tirada dadka uu dal walba helo

https://www.premierbank.so/