https://www.premierbank.so/

Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mudaharaadada ka socday dalka Jabuuti

iyo waliba dhacdadii buuqa iyo sawaxanka ahaa ee Sabtidii shalay ka dhacay golaha wakiilada Somaliya.

Gudoomiyaha UCID ayaa sheegay in ay dhamaatay wakhtigii kalitalisnimada lagaga maamulayay dalka Jabuuti. Waxaana uu madaxwaynaha ugu baaqay inuu ku adkaado ku dhaqanka cadaaladda,sidoo kalena khayraadka dalka uu u daadajiyo bulshada

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa dhinaca sheegay inuu bogaadinayo talaabadii buqa iyo sawaxanka dhalisay ee xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Somaliya ka sameeyeen khudbaddii madaxwaynaha Somaliya ee furitaanka kalfadhigii 7-aad ee golaha baarlamaanka Somaliya.

 

Mudane Faysal waxa uu arrintaasi ku tilmaamay mid xildhibaanadu ku muujiyeen in ay dalka leeyihiin

https://www.premierbank.so/