https://www.premierbank.so/

Sacuudiga iyo Israel ayaa billaabay kulamo qarsoodi ah bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay waa maxay sababtu?

, kuwaas oo ku saabsan sidii Sacuudiga loogu dari lahaa golaha Islamic Waqaf ee maamula masjidka Al-Aqsa ee magaaladda Qudus.

Golaha Islamic Waqf waa guddi ay magacawday Dowladda Jordan si ay ula socdaan goobaha Muslimiinta ee magaaladda Qudus waxayna sheegtaan in ay yihiin maamulka ugu sarreeya ee al-Aqsa islamarkaana ayna hoos tagin sharciga Israel.

Wada-hadallada waxaa la weriyay in ay ku qabsoomeen qorshaha muranka badan dhaliyay ee Madaxweyne Donald Trump uu u bixiyay “Heshiiska Qarniga”, sida ay dublamaasiin sheegeen.

“Waa wada-hadallo  xasaasi ah oo ku qabsoomay daah ku jir iyo awood yari kuwaas oo dhexmaray koox yar oo dublamaasiyiin ah iyo saraakiil sare oo ka kala yimid Israel, Sacuudiga iyo Maraykanka waxaana wada-hadalladu qayb ka ahaayeen hirgelinta heshiisa qarniga,” ayuu sarkaal sare oo Sacuudiga u dhashay u sheegay wargeyska Israel kasoo baxa

ee Israel Hayom. Wargeysku waxaa uu sidoo kale wariyay in Golaha Jordan kasoo jeeda ay u tageen Israel iyo Maraykanka islamarkaana ay u sheegeen in ay yareeyeen diidmadooda ka dhanka ahayd Sacuudiga si ay uga hortagaan saameynta Turkiga ee sii kordhaysa.

Si kastaba, Jordan ayaa dooneysa inay heysato maqaamkeeda sare ee ilaalinta meelaha barakeysan, Sacuudiguna uu maalgelin doono ururadda muslimiinta ah ee jooga bariga Qudus, si meesha looga saaro maal-gelinta Turkiga.

Danjire Carbeed ayaa wargeyska Israel Hayom u sheegay: in Hadii Golaha Saree e Joordan uu u Ogolaado Dawlada Turkiga in uu Qudus Kala Shaqeeyo isaga oo aan Qas Ka Wadin Al Aqsa ay Keeni Doonto in Sanado Yar oo Kooban Gudahood uu saamayn xoogan ku yeeshay Guud ahaanba Siyaasada Bariga Dhexe iyo tan Dhulka Falastiiniyiinta taasi oo Meesha ka saaraysa Qorshaha Sucuudiga ee Ka mid Noqoshada Golaha Maamulka Masjidka Aqsa.

 

https://www.premierbank.so/