https://www.premierbank.so/

Cyclone Nisarga, oo ah duufan aad udaran ayaa ku dhufatay bada Hidniya shalay galinkii danbe, Duufaantan oo ah Mid Xoogan ayaa Aad ugu Sii Dhawaanaysa dhul ku teedsan xeebta galbeed ee Hindiya

taas oo ku khasbeysa heegan sare oo deg dega la lagaliyo xero dhaqaaleeda ku taal magaalada Mumbai iyo daad gureynta tobanaan kun oo qof.

Qeybta saadaasha hawada ee dalka hindiya ayaa sheegtay in howsha daadgurayntu ay bilaabatay isla markaana la Filayo in Daad Guraynta iyo Samatabixinta Dadka laso Dhameeyo Saacadaha Dambe ee Maanta.
duufanatan oo Loogu magac daray “Nisarga” waxay wadataa roobab mahiigaan ah oo dabaylo wata Waxaanay Ku Socotaa i 120km (75 mayl) saacaddii iyadoo duufaanta nooca 4aad ay u dhowdahay magaalada xeebta ku taal ee Alibagh, oo qiyaastii 98km koonfur ka xigta magaalada Mumbai, oo ah caasimadda gobolka Maharashtra oo ay ku noolyihiin in ka badan 18 milyan.

Ugu yaraan 100,000 oo qof, oo ay ku jiraan bukaannada coronavirus, ayaa loo raray goobo aamin ah, sida laga soo xigtay saraakiisha Dawlada ee Ku hawlan u Diyaar Garaowga Masiibada Duufaantan.

Magaalada Mumbai, oo ah hoyga dhaqaalaha iyo waliba xarunta filamdda Bollywoodka ee Hindiya, ayaa khatar ugu jirta duufantan iyo waliba cudurka cornavirus ,
sida ay laga soo xigaanyo warbaahinta dalkaasi iyo waliba dad goob jooga ayaa waxa way yidhehdeen ,
“Waxaan aragnay geedo badan oo Dhulka Ku Soo dhacay kuwaasi oo ay waxyeelo soo gaadhsiisay Qaybaha Hore ee Dufaantani Xoogan Bada nee La Filayo Inay ku dhutafo Badiba Dalka Hiniya Gaar ahaan xeebaha Ku Yaala Dhinaca Galbeedka

Warbixinnada warbaahinta ayaa sheegaya in Nisarga uu yahay duufaanta ugu darneyd ee ku dhufata gobolka in ka badan 70 sano, taas oo soo kordhisay welwelka ku saabsan diyaargarowga magaalada Mumbai iyo meelaha deriska ah.Duufaanta ayaa sii xumayn doonto rajada laga qabo isku socodka dhaqaale iyadoo sagaal todobaad oo xayiraad Coronavirus ah ay dowladdu soo rogtay ay bilaabmeen inay khafiifiyaan xayiraadaas toddobaadkan.

Dekadda weyn ee India, Jaharlal Nehru Port Trust, oo ku taal duleedka magaalada Mumbai, waxaa lagu xukumay in la xidho 24 saac, sida laga soo xigtay Xubno Sare sare oo Ka Ida Dawlada Hindiya.
Xaalada Duufaanta Ku Dhufatay Wadanka Hindiya ayaa Kusoo Beegmaysa Xili Wadanka Hindiya uu Ka Mid yahay Dalalka La Daala dhacaya Xanuunka Saamaynta Xoogan ku yeeshay Dunida ee COvid19

https://www.premierbank.so/