https://www.premierbank.so/

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donland Trump ayaa ku hanjabay in joojinta dibadbaxyada ka socda gobolada dalka Maraykanka uu u adeegsan doono ciidamada Milateriga

Madaxwaynaha Maraykanku waxa uu maamulada magaalooyinka iyo badhasaabada gobolada ku eedeeyey inay ku guul daraysteen xakamaynta mudaharaadada iyo inay difaacaan shacabka labadaba, sidaas awgeedna uu hawl galindoono ciidamada Milateriga si ay hawshaasi usoo afjaraan.

Madaxwayne Trump waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in dibadbaxyaaashu ay mudaharaadadii salmiga ahaa u badalaan rabshado iyo boob iyo dhac loo gaysanayo hantidii shacabka.

Dibadbaxyo rabshado wata oo lagaga soo horjeedo dilka loo geystay George Floyd oo ahaa muwaadin Madow Maraykan ah  ayaa maalinti toddobaad ka socda dalka Mareykanka.

Waxaana ilaa hadda Inta la xaqiijiyey ku dhintay laba qof shacab ah oo ku noola magaalada Jikaako.

Mudaharaadayaasha ayaa dalbanaya in cadaalada la horkeeno Afartii askari ee dilay muwaadinka Madow,si loo maxkamadeeyo loona marsiiyo ciqaaabta ay mudan yihiin. Ilaa hadad se waxa la xidhay Daariq oo ah ninkii cagtiisa qoorta ka saaray Jooj 9 daqiiqo ilaa intii uu ka qudh baxayay.

Dhinaca kalena magaalada Joorjiya waxa shaqadii laga eryey laba askari oo ka tirsan Bilayska Maraykanka oo gaadhi ay wateen si xoogga ugaga dajiyey laba qof oo Madow ah,islamarkaana dhulka jiifiyeen.

Dhanka kale, tobaneeyo magaalo oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka Mareykanka ayaa lagu soo rogay bandow hal habeen ah, halka magaalada Wahington DC lagu kordhiyey laba habeen oo kale oo xayiraad ah.

 

https://www.premierbank.so/