https://www.premierbank.so/

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dib u dhac uu ku yimi wakhtigii lagu dhamayn lahaa wadada Berbera Corridor ee isku xidhi doonta Berbera ilaa Wajaale.

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland mudane Cabdilaahi Obokor ayaa sheegay in shirkada gacanta ku haysa dhismaha wadadan ay usoo gudbisay warbixin la xidhiidha in muddo 4 bilood ah ay ku kordhiyeen wakhtigii ballantoodu ahayd in ay dhismaha wadadan ku dhameeyaan.

Wasiirku waxa uu sheegay in marka hore uu qorshuhu ahaa in wadadan la dhamaystiro bisha may ee sanadka 2021,balse ay shirkadu soo codsatay in 4 bilood ah loogu daro wakhtigii hore, ayna dhamaystiri doonaan wadadan bisha Sspetmeber ee sanadkaasi 2021.

Wasiir Cabdilaahi Obokor oo hadal ka jeediyey madal madaxwaynaha Somaliland uu xadhiga kaga jarayay 12-kii Km ee ugu horeeyey ee dhismaha wadadan ayaa intaasi ku daray in ay jiraan caqabado badan oo ku gadaaman dhamaystirka wadadan. Waxaana uu tusaale usoo qaatay roobabka da’aya, goobta laga soo qaadayo alaabta dhismaha wadadan oo aad u fog iyo waliba qalabka oo ka kala dhinaa sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in wax ka badal badan lagu sameeyey dhismaha wadadan haday noqoto dhinaca ballaca iyo waliba qaadista tanka gaadiidka.

 

https://www.premierbank.so/