https://www.premierbank.so/

Xisbiga WADDANI ee Somaliland ayaa guddiga heer qaran ee ka hortagga xanuunka Coronavirus ugu baaqay inay is casilaan

dhamaantood,kadib markii ay ku eedeeyeen inay ku fashilmeen shaqadii loo igmaday ee xakamaynta iyo la dagaalanka xanuunka COVID19.

Afhayeenka xisbiga WADDANI Garyaqaan Barkhad Jamaac Batuun ayaa sheegay in shaqada guddigu ay u muuqato mid kaliya ku kooban go’aamo aan fulintoodu dhaqangalin,taas oo uu ku tilmaamay Film sida uu hadalka u dhigay.

Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun oo Isniinta maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa waxa uu madaxwaynaha Somaliland usoo jeediyey in uu kala diro guddiga heer qaran. Halka uu guddigana usoo jeediyey inay iscasilaan dhamaantood.

Afhayeenka WADDANI waxa uu sidoo kalena su’aal galiyey halka ay mareen lacago Malaayin Dollar ah oo uu sheegay inay ku dhaceen gacanta guddiga una muuqda mid la musuqmaasuqay sida uu hadalka u dhigay, halka uu madaxwayne ku xnigeenka Somaliland oo ah gudoomiyaha guddigana uu ku eedeeyey in aanu wax muuqda oo waxqabad ah u qaban gobolka uu kasoo jeedo ee Awdal.

https://www.premierbank.so/