https://www.premierbank.so/

Roob mahiigaan ah oo galinkii danbe ee Jimcaha ka da’ay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Roobkan oo watay dabayl ayaa la sheegay in uu sababay dhimashada 3 qof iyo burbur xooggan oo soo gaadhay guryo badan oo Hargeysa ku yaalla.

Dadkan ku geeriyooday roobbka ayaa ahaa 3 qof oo iskugu jiray 2 nin oo uu qaaday dooxa way nee Hargeysa iyo walibba 1 ruux oo dumar ah oo uu ku dhagay laydh.

Ciidamada dab-damiska Somaliland oo ka hawlgalay dhacdooyinkaasi ayaa sheegay inay hawlgallo xoogan ka galeen khasaaraha ka dhashay roobabkaasi.

Hogaanka caafimaadka dab-damiska Somaliland ayaa sheegay in sidoo kalena ay ciidanka dab-damisku ay soo samata bixiyeen dad iyo gaadiid badan oo ku xanibmay dooxxa Hargeysa.

Hogaanka caafimaadka ciidanka Dab-damiska Somaliland wax auu sidoo kalena darawaliinta gaadiidka kala duwan uga digya inay gaadidkooda kusii daayaan dooxyada iyo meelaha biyo mareenada ah iyaga oo sida dad.

Somaliland wakhti roobaayadan oo kale sanasd kaste waxay sababaan khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh. Waxaana ugu badan ee khasaarahaasi sababaa u yahay laydhka iyo waliba daadadka ka dhasha roobabkaasi oo qaada gaadiid iyo dad labadaba.

 

https://www.premierbank.so/