https://www.premierbank.so/

Xisbiga Mucaridka Ah Ee Waddani Ayaa Markii Ugu Horaysay Taageeray Olalaha Baaq Shacab Ee dhawaan ku Dhawaaqeen Dhalinyaro Iyo Aqoonyan reer Somaliland

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi Looge Oo 26ka May Warbaahinta Kula Hadlay Magalada Hargeysa Ayaa Sheegay In Dhalinyarada Somaliland Xaq U Leeyihiin Inay Ka Hadlaan Kana Doodaan Xaalada Dalka waxa u Qabsoomay Somaliland Mudadii ay Jirto iyo waxa Loo Baahan yahay In Haatan Wax Ka Bedel Lagu Sameeyo.

Xoghayaha Xisbiga Waddan Waxa Kale Oo u Sheegay In Dhismaha Dawladnimo ee Somaliland uu Istaagay marka Laga  eego 16kii Sano ee ugu Horeeyey isaga oo inta ku Daray in uu Hoos u dhac Wayni ku Yimi Nidaamka Dawladnimo ee Dalka.

Waxanu Nasiib Daro Ku Tilmaamay In Dhalinyaradii Ka Hadashay Ololaha Baaq Shacab Ay Xukuumadu Ku Tilmaamtay Ku Geftay Arintaas Oo U Sheegay In Xukuumada Looga Fadhiyo Inay Raaligalin Ka Bixiso.

Dhinaca Kalena Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani Waxa U Madaxweynaha Somaliland Ugu Baaqay Inuu Ka Jawaabo Cabashada Gobolada Dalka Kasoo Yeedhaysa Ee Caafimaadka,Faqriga Iyo Shaqo La’aanta U Sababay Xanuunka Corono Viruis Iyo Sidii Loola Xisaabtami Lahaa Gudidda Korono Viruis Oo U Tilmaamay In Lacag Badan Loo Dhibay Islamarkana Ay Ku Fashilmeen Shaqadii Ay Qaranka U Hayeen.

 

https://www.premierbank.so/