https://www.premierbank.so/

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay inay talaabo jawaab celin ah qaadi doonto, haddii Mareykanku uu ku adkeysto “inuu waxyeeleeyo” danaheeda ku aadan Hong Kong.

Dawladda Maraykanka ayaa dhowaan sheegtay inay soo rogi doonto cunaqabteyno ka dhan ah Shiinaha, sababo la xiriira sharci cusub oo amniga qaranka ah, kaasi oo Shiinaha ay doonayaan inay ka dhaqan-geliyaan Hong Kong.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibdda Shiinaha ayaa warbaahinta u sheegay in Mareykanka uu isku dayayo inuu dhaawaco amniga qaranka ee Shiinaha.

waxa uu sheegay in Biijiin ay ashtako xooggan ka gudbisay hadal kasoo yeedhay la-taliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad , kaasi oo sheegay in sharciga amni ee Hong Kong uu hoggaamin karo cunaqabateyn ka timaada Mareykanka.

Afhayeenkan u hadlay wasaaradda arrimaha dibada Shiinuhu waxa uu nintaasi ku daray in xoghayaha arrimaha dibada Maraykanku aanu awoodin inuu cadeeyo in Hong Kong ay haysato is maamul buuxa.

Shiinaha ayaa ku gacan seydhay cabashada ka imaneysa dalalka dibedda ee la xidhiidha “faro-gelinta” Hong KOng, waxaana ay sheegtay in sharciga cusub uusan waxba u dhimi doonin is-maamulka Hong Kong .

Diblomaasiga ugu sarreeya Shiinaha ayaa sheegay in sharciga lasoo jeediyey uu beegsan doono ficillo kooban, islamarkaana uusan saameyn doono madax-banaanida magaalada.

https://www.premierbank.so/