Taliyaha ciidanka Bilayska Somaliland Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi โDabagaleโ ayaa shacabka Somaliland
ku amaanay qaabka fiican ee ay ugu hogaansameen fulinta goโaamadii dawladdu kasoo saartay dhaqdhaaqii dadka iyo gaadiidka mudadii labada cisho ahayd ee lagu jiray munaasibada Ciidal Fidriga.
Taliyaha ciidanka Bilayska Somaliland oo Isniinta maanta shir jaraaโid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in goโaamadaasi ay sidoodi u fuleen ayna ku amaanan yihiin shacabku. Waxaana uu xusay in ujeedada goโaamadaasi laga lahaa ay ahayd in la xakameeyo faafitaanka xanuunka Coronavirus.
Taliye Dabagale waxa uu gaadiidka yaryar ee Takaasida ku eedeeyey in aanay badankoodu fulin goโaaadaasi lagana fiirsan doono,halka uu gaadiidka basaskana ku aamaanay sida ay ugu dhago nuglaadeen fulinta goโaamadaasi
Taliyaha ciidanka booliska Somaliland waxa uu dhinaca kalena shacabka Somaliland ugu baaqay inay sii laban laabaan wada shaqayntii ka dhaxaysa ciidamada. Isaga oo tilmaamay in 6-dii bilood ee u danbeeyey ay aad u wanaagsanayd wada shaqaynta ciidanka iyo shacabku.
Xukuumadda Somaliland ayaa goโaamo dhawr qodob ka kooban oo ay soo saartay todobaadkii hore ayay ku sheegtay in la joojiyey isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee gobolada iyo degmooyinka dalka mudada labada maalmood ah ee munaasibada ciidda lagu jiro. Waxa se xusid mudan in shacabka magaalada hargeysa ay u baxeen goobaha banaanada ah si ay wakhti ugu soo qaatan.






