https://www.premierbank.so/

Hoggaamiyaha Taliban ayaa maanta sheegay in mintidiinta ay ka go’an tahay ilaalinta heshiiska taariikhiga ah ee ay la galeen Mareykanka

inkasta oo lagu eedeeyey inay fuliyeen kumanaan weerar oo Afghanistan ka dhacay tan iyo markii heshiiska la saxiixay.

Hogaamiyaha oo soo saaray farriin la xiriirta ciidul fitriga, ayaa ugu baaqay Mareykanka “inaysan lumin” fursadda uu yaboohay heshiiska ee lagu soo geba-gebeynayo dagaalkii ugu dheeraa taariikhda Mareykanka.

Hogaamiyaha ayaa qoraalkiisa intaasi ku daray inay ka go’an tahay heshiiska ay la gashay Maraykanka, waxaana uu ku booriyey Maraykanak in uu sharfo ballankooda,islamarkaana aanu ogolaan in fursadan muhiimka ah ay lunto.

Sidoo kalena hogaamiyaha kooxda Daaliban ayaa saraakiisah Mraykanka ugu baaqay in aanay cidna u ogolaan fursad ay isku hortaagto dibna u dhigto,ugu danbayna carqaladayso heshiiska caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee u dhaxeeya labada dhinac.

Kadib bilo wada-hadallo ah, Taliban iyo Mareykanka ayaa bishii Febraayo saxiixday heshiis ogolaanaya in ciidamada Mareykanka ay ugu dambeyna sanadka dambe ka baxaan Afghanistan, taa beddelkeedna ay helaan damaanad qaad amni.

Sida uu dhigayo heshiiska, Taliban ayaa ogolaatay inay joojiso weerarada ka dhanka ah ciidamada ajnabiga ah, hase yeeshee waxay weli sii waddaa weerarada ka dhanka ah ciidamada Afghanistan.

Saraakiisha Afghanistan ayaa ku warramay in tan iyo markii la saxiixay heshiiska, ay Taliban fuliyeen 3,800 oo weerar oo lagu dilay 420 qof oo shacam ah, islamarkaana lagu dhaawacay 906 oo kale.

https://www.premierbank.so/