https://www.premierbank.so/

Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaciyay in ka xukuumad ahaan aanay marnaba aqbalayn

Madaxwaynaha Somaliland waxa uu sheegay in Somaliya ay u aqoonsan yihiin cadaw hortaagan qaranimadooda,islamarkaana aanay marnaba macquul ahayn in dalalka dunida iyo hayada’aah caalamiga ahiba ay soo jeediyaan in Somaliland iyo soomaliy ay xal ka gaadhaan khilaafkooda.

Madaxwayne Biixi waxa uu dalalka beesha caalamka ugu baaqay inay tixgaliyaan islamarkaana taageeran go’aanka masiiriga ah ee shacabka Somaliland. Waxaana uu xusay in ka xukuumad ahaan ay diyaar u yihiin inay xoojiyaan xidhiidhka ay la leeyihiin dalalka dunida

 

Hadalka Madaxwayne Biixi

 

Madaxwaynaha Somaliland oo ka hadlayay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo mawqifka ka xukuumad ahaan uga meel yaala ayaa sheegay in wada hadalada ay ku xidhan yihiin shuruudo ay kamid tahay in marka hore la qirto in ay wada hadlayaan laba dawladood oo kala madax banaan,cid kaste ood hexdhexaadiye ka noqonaysaa ay arrinkaasi usoo diyaar garowdo sida uu hadalka u dhigay.

 

https://www.premierbank.so/