Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa shaaciyey in xukuumadda ay si rasmi ah ula wareegtay huteelkii Hargeysa Clup.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu sheegay in huteelkaasi uu kamid yahay hantida ma guurtada ah ee qaranka Somaliland. Waxaana uu xusay in dastuurka dalku xukuumadda awood u siinayo inay lasoo laaban karto hantida dawladda ee hore loo bixiyey lana wareegi karto hantida shacabka ah ee lagama maarmaanka ah sida uu hadalka u dhigay.
Wasiir Koore oo Isniinta maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa intaasi ku daray in Huteelka xukuumaddu la wareegtay ee Hargeysa Club uu noqon doono Meesha ugu horeysa ee hadii loo baahdo la dhigi doono dadka uu soo rito xanuunka Coronavirus, hadii tiradu intan kasii badato. Waxaana uu wax aan la aqbali Karin ku tilmaamay in hantidaasi ay gasho gacanta shacabka .
Dhinaca kalena wasiirka warfaafinta Somaliland oo ka hadlayay dhulalka dadwaynaha ee xukuumaddu la wareegtay ayaa sheegay in madaxwayne Biixi la wareegya dhulka laga dhisayo madaxtooyada cusub.waxaana uu sheegay in ay jiraan dad badan oo sheeganaya mulkiyada dhulkaasi,islamarkaana madaxwayne Biixi ku haysto.
Wasiir Koore waxa uu bulshad augu baaqay inay isku duubnaadaan,islamarkaana danahooda meel uga soo wada jeestaan.
Huteelka Hargeysa Clup oo kamid ahaa huteeladii ugu caansanaa Somaliland ayaa xukuumaddii madaxwayne Siilaanyo waxay ka kireysay muddo 30 Sanno ah suldaan Siciid oo kamid ah madaxda dhaqanka Somaliland. balse taas badalkeeda xukuumadda madaxwayne Biixi ayaa dib gacanta dawladda ugu soo celisay huteelkan oo dhismihiisu socday mudooyinkii u danbeeyey.