https://www.premierbank.so/

Gudoomiyaha UCID oo ka deyriyay Xaaladda Somaliland marayso

Gudoomiyaha UCID ee Somaliland Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xaaladda guud ee dalku wakhtigan uu marayo meel adag gudo iyo dibadaba,islamarkaana aanay marnaba maskaxdiisa kusoo dhicin in xaaladdan oo kale uu gaadhi doono dalku sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha UCID oo subaxnimadii hore ee Khamiista 20 Febarwari warbaahinta kula hadlay mahaalada Hargeysa kadib safar uu kaga soo laabtay dalka Imaaraaadka Carabta ayaa sidoo kalena sheegay in labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID ay kulan iskugu iman doonaan Sabatida 22 febarwari islamarkaana ay go’aamo adag kasoo saari doonaan xaaladdan dalku marayo iyo warwar xooggan uu sheegay in ay shacabka Somaliland qabaan.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu intaasi ku daray in shacabka Somaliland iyo warbaahintaba ay la wadaagi doonaan qaraarka kasoo baxa labada xisbi iyo xoggo uu sheegay in uu hayo oo ku saabsan xaaladda dalka gaar ahaana dhinacyada arrimaha dibada,dhaqaalaha,gudaha iyo nabadgaliyada.

Bulshada Somaliland ayaa aad ugu dhag taagaysa natiijada kasoo bixi doona kulankaasi uu gudoomiyaha UCID sheegay in ay wada yeelan doonaan labada xisbi mucaarad kana soo saari doonaa go’aamo la xidhiidha xaaladda dalka

https://www.premierbank.so/