https://www.premierbank.so/

Ciidan ilaalin doona gaadiidka bulshada ee Gobolka Waqooyi-Bari Kiiniya

Dawlada Kenya ayaa markii ugu horeysay la sheegay in ciidan boolis ah oo ilaaliya ay u samaysay gaadiidka dadwaynaha ee iskaga kala soo goosha magaalada Nairobi iyo gobolada Soomaalida ee dalka ,kadib cabsi badan oo soo waajahdad dadka rakaabka ah ee raaca gaadiidka dadwaynaha.

 

Taliyaha ciidanka Bilayska dalka Kenya Nik Dalana ayaa sheegay in ciidan iyo gaadiid u gaar ah oo galbiya ay u sameeyen gaadiidka ay dadwaynuhu raacaan ee basaska ah iskagana kala goosha gobolada dalka Kenya gaar ahaana magaalada Nairobi iyo gobolka Soomaalidu degto ee waqooyi bari Kenya.

 

Taliyuhu waxa uu sheegay in ciidankaasi ay la socon doonaan gaadiidka ilaa inta ay gaadhayaan magaalada ay safarkoodu ku jihaysan yahay,islamarkaana ruqsadda ay gaadiidkaasi ku shaqeeyaan lagala noqon doono gaadhiga aan u hogaansamin go’aanka iyo amarkaasi ciidanka,islamarkaana baxa kaligii isaga oo dad rakaab ah wadda.

 

Marka iyo go’aankan kasoo baxay taliska ciidanka Bilayska Kenya ayaa yimi kadib markii ay mudooyinkii u danbeeyey kordheen weerarada ay Al-shabaab ka gaysanayaan gudaha dalka Kenya gaar ahaana gobolka Soomaalida,ayna kubartilmaameedsanayaan muwaadiniinta u dhalatay Kenya ee aan haysan diinta Islaamka,weerarkaasi oo kii ugu danbeeyey uu ahaa kii dabley hubaysan ay ku qaadeen bas ay dad rakaab ahi lasocdeen oo kusii jeeday magaalada Nairobi islamarkaana ku diley 3 kamid ah dadkii rakaabka ahaa kuna dhaawacay 5 qof oo kale.

 

https://www.premierbank.so/