https://www.premierbank.so/

Gudoomiyaha Guurtida Somaliland oo Xaqiijiyay Cadaadiska Itoobiya ee Imaanshaha Farmaajo ee Hargeysa

Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland ayaa ka hadlay warar maalmihii u danbeeyey soo baxay oo sheegaya in magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ay imanayaan todobaadada soo socday madaxwaynaha dawladda fadaraalka ah ee Soomaaliya iyo raysal wasaaraha dalka Itoobiya,wararkaas oo 24-kii saacadood ee u danbeeyey ay si wayn u hadal hayeen bulshada Somaliland.

Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Adam waxa uu sheegay in marar badan uu raysal wasaraha Itoobiy dawladda Somaliland ka codsaday in ay Hargeysa yimaadaan isaga oo uu la socdo madaxwaynaha Soomaliya,balse laga diiday,wakhti xaadirkana aanay aqbalayn,soona dhawaynayn in uu Hargeysa soo cago dhigto madaxwaynaha Somaliya mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Adan oo hadal ka jeediyey kulan ay Axadda 16 Febwari iskugu yimaadeen xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa sidoo kalena sheegay in hadii ay dhacdo in magaalada Hargeysa ay yimaadaan madaxwaynaha Somaliya iyo raysal wasaaraha Itoobiya ay samayn doonaan in aanay soo dhawayn madaxwaynaha Somaliya balse kaliya ay soo dhawayn doonaan raysal wasaaraha,wax dhib ahna aan loo gaysan doonin,waxaana uu usoo jeediyey madaxwaynaha Somaliya in aanu imaanin Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyuhu waxa uu intaasi ku daray in madaxwaynaha Somaliya aanu wax raaligalin ah ka bixin xasuuqii ay dawladdii Milateriga ahayd u gaystay shacabka Somaliland,hadalkii uu yidhina uu dib u cunay madaama oo dambigii ay dawladdaasi gaystay uu u qaybiyey jabhadihii iyo dawladii dhibaatada gaysatay,wax dambi ah oo ay galeen dadkii reer Somaliland-na aanay jirin.

Dhinaca kale gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu sheegay in Ictiraafka Somaliland ay hortaagan yihiin dawladaha Carabta iyo Somaliya,balse xukuumadda Somaliland iyogolaha guurtiduba aanay waxba ka hagaranayn raadinta Ictiraafka Somaliland,isaga oo intaasi ku daray in madaxwaynaha Somaliya looga baahan yahay in uu ictiraafo Somaliland ama uu iska joojiyo hadalada uu ku tiraabayo sida uu hadalka u dhigay.

https://www.premierbank.so/