https://www.premierbank.so/

WADDANI oo ka hadlay Muranka Xabaalaha Wajaale

Xisbiga WADDANI ee Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaalad cakiran oo maalmihii u danbeeyey ka taagnayd magaalo ganacsiyeedka Wajaale gaar ahaana dhinaca Somaliland oo sababtay in ciidamada Bilaysku ay u xidhxidhaan dad aad tiro badan oo ay ku jiraan guddigii ganacsatada magaaladu iyo waliba tartankii ka dhacay Hargeysa ee maalgalinta hasha ugu caanaha badan geella ay gudaha Hargeysa ku dhaqdaan ganacsatada  Geellayda ah ee Somaliland.

Xoghayaha xanaanada xoolaha xisbiga WADDANI Dr Axmed Cabdillaahi Cige (Shugri) ayaa sheegay in xisbigoodu uu taageersan yahay banaanbixii ay bulshada Wajaale kaga soo horjeesateen dhul dan guud ah oo  ku yaala xabaalaha magaalada oo ay sheegen in xukuumaddu ay ka iibisay shakhsiyaad gaar ah,dhismayaal laga dhisay togga Wajalee iyo waliba maxkamadda degmada oo xukuntay in la burburiyo dugsiyo waxbarasho oo  magaalada ku yaala,lagana dhiso waxyaabo kale, sidoo kalena wakhtigan aanay jirin dhul danguud ah oo kusii jira gacmaha dawladda, cid kastena ay ka yeeshay sida ay doonto  sida uu hadalka u dhigay.

Xoghayaha xanaanada xoolaha WADDANI oo Axadda 16 Febarwari warbaahinta kula hadlay Hargeysa waxa uu sheegay in ciidamada iyo xukuumadda Somaliland bulshadii arrintaasi ka dhiidhiday ay kula kaceen Handidaad,xadhig iyo waliba in loo adeegsaday rasaas nool,arrintaasina ay ka danbeeyeen gudoomiyaha gobolka Gabiley,ka degmada Wajaale iyo taliyaha qaybta Bilayska Gabiley,ilaa hadda aanay jirin wax ay dawladdu ka qabatay arrimahaasi.

Dr Axmed Shukri waxa uu intaasi ku daray in sidoo kalena uu gacanta ku hayo amar kasoo baxay xafiiska badhasabka ku xigeenka Gabiley oo u muuqda mid madaxa la iskugu galinayo degmooyinka Allaybaday iyo Arabsiyo oo masaafo fog isku jira ,ilaa haddana aanay jirin wax uu ka qabtay badhasaabku,waxaana uu maamulka gobolka usoo jeediyey in ay xorriyadooda dib ugu soo celiyaan dadka xidhan,arrimahanna ay wax ka qabtaan,hadii ay tahli kari waayaana ay iska casilaan masuuliyadda ay qaranka u hayaan sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kalena xoghayaha xanaanada xoolaha Wadani waxa uu xukuumadda Somaliland ku dhaliilay in aanay maamulin,sidoo kalena xakamayn mashaaruuca Imaaradka Carabtu watto ee tartankii maalgalinta hasha ugu caanaha badan geella Somaliland ,balse madaxwaynaha iyo wasiirka oo ka qayb galay labaduba ay u muuqdeen marti sharaf aan shaqo ku lahayn arrimaha,una muuqatay in ay hawshan wateen ganacsatada gellayda ah iyo waftigan Carabta ah ee Hargeysa yimi,waxaana uu soo jeediyey in la sameeyo sharcigii Caanaha iyo Hilibka ee xoolaha Somaliland .

https://www.premierbank.so/