https://www.premierbank.so/

Shacabka hala faahfaahiyo Shirkii Madaxweynayaasha ee Addis Ababa – Xoghayaha Xisbiga WADDANI

Xisbiga WADDANI Ee Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kulankii magaalada Addis-ababa ee caasimada dalka Itoobiya ku dhex maray madaxwaynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya iyo waliba safarkii uu madaxwaynaha Somaliland ku tagay dalka Itoobiya.

 

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi “Loogge” ayaa xukuumadda Somaliland usoo jeediyey in uu bulshada u cadeeyaan ujeedada rasmiga ah ee kulankii ay Addis-ababa ku yeesheen madaxwaynayaasha Somaliland iyo Soomaliya,isaga oo sheegay in qaabkii uu uga hadlay kulankaasi wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland uu ahaa mid aanay ka gayin shacabka Somaliland,una muuqda in la qarinayo ama xukuumaddu ay garan la’dahay wax ay shacabka Somaliland u sheegto sida uu hadalka u dhigay.

 

Xoghayaha WADDANI oo Sabtida 15 Febarwari warbaahinta kula hadlay xarunta dhexe ee xisbiga waxa uu sheegay in xafiiska raysalwasaraha Itoobiya aanu ahayn goob lamid ah istaanada ay dadku ka raacaan basaaska Hargeysa,cid kastena ay ku kulmi karto marka laga reebo cid la iskugu tallo galay maahane,waxaana uu intaasi ku daray in shacabka Somaliland iyo golayaasha qarankuba ay xaq u leeyihiin inay ogaadan Ajandaha kulanka,qodobada laga wada hadlay, qorshaha ay la tageen waftigii Somaliland iyo waliba natiijada kasoo baxday hadii aanay jirin wax xun oo la qarinayo sid auu hadalka u dhigay.

 

Xoghaye Khadar Looge waxa uu si adag u dhaliilay safarkii madaxwaynaha Somaliland uu ku tagay dalka Itoobiya ,isaga oo sheegay in shacabka Somaliland muddo 29 sanno ah kadib,in aanay ku filnay sheegista qaababka loo soo dhaweeyo waftiyada madaxwaynayaashu hogaaminayaan iyo erey bixinaha ay adeegsadaan ee la xidhiidha inay guulo ka gaadheen kulamada,balse hogaamiyayasha dawladda Somaliland ay caadaysteen in aanay marnaba sheegin xogaha rasmiga ah ee safarkooda la xidhiidha, Somaliland-na aanay marnaba ku dhismayn Been iyo in la aragtideeda lagu mel mariyo been abuur,sida ay hadda wax u socdaana aanay kusii socon Karin Somaliland.

 

Dhinaca kalena xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI oo ka hadlayay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wada hadaladaasi ay noqdaan mid si heer qaran ah lagu hogaamiyo in waliba mid daneeyayaasha siyaasadda iyo gooblada Somalilandba ay ka dhex muuqdaan madaama oo ay tahay arrin masiiriya, dawladduna aanay ahayn mid kaligeed go’aan qaadan kartta sida uu hadalka u dhigay. Mudane Looge Waxa uu sheegay in xisbigoodu uu diyaar u yihin in xukuumadda uu kala caawiyo wax kaste oo ay u arkayaan in ay muhiim u tahay midho dhalka wada hadalada Somaliland iyo Somaliya , loona baahan yahay in uu jiro qorshe cad oo arrintaasi lagu waajahayo.

 

https://www.premierbank.so/