https://www.premierbank.so/

Gudida Doorashooyinka Itoobiya ayaa la kulmay Xisbiyada.

Guddiga doorashooyina dawladda fadaraalka ah ee Itoobiya ayaa markii ugu horeysay kulan balaadhan la qaatay dhamaan asxaabta siyaasadeed iyo kuwa bah-wadaagta ah ee dalka Itoobiya.

 

Kulankan oo ka qabsoomay magaalada Addis-ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa waxa lagaga hadlay doorashooyinka la filayo in ay dalka Itoobiya ka dhacan badhtamaha bisha Ogoosto ee sanadkan 2020,waxaana kulankaasi iskugu yimi oo kasoo qayb galay,ururada caalami ah,hay’adaha u dooda xaquuqda aadamaha iyo dhamaan hogaamiyayaasha iyo masuuliyiinta xisbiyada siyaasadeed ee ka diwaangashan guddiga doorashooyinka iskuna diyaarinaya inay ka qayb galaan doorashadaasi ka dhacay dalka Itoobiya.

 

Kulankan ayaa mudadii uu socday waxa lagu soo bandhigay qaab dhismeedka guddiga heer qaran ee doorashooyinka Itoobiya oo dib u habayn lagu sameeyey, jadwalka doorashada lagu galayo iyo waliba qorshayayaasha iyo sharciyada ay guddigu soo diyaariyeen ee doorashada oo dood laga yeeshay.

 

Gudoomiyaha guud ee xisbiyada siyaasadda ee dalka Itoobiya mudane Muuse Adan oo Kulankaasi goob joog ahaa ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid loo baahnaa lagagana doodayo sidii loo kobcin lahaa loogana doodi lahaa sidii meel sare loo gayn lahaa xaaladda uu wakhtigan ku sugan yahay dalku gaar ahaana dhinacyada dhaqaalaha,dimuqraadiyada xidhiidhka Bulshada iyo waliba arrimo la xidhiidha doorashooyinka ka dhacaya Itoobiya.

 

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in ay rajaynayaan in kulankan ay kasoo baxaan wax lagu go’aamiyo laguna heshiiyo sida uu hadalka u dhigay.

 

Doorshadan la filayo in bisha Ogoosto ee sanadkan 2020 ay ka dhacdo dalka Itoobiy ayaa ah tii Liixaad ee dalka Itoobiya ka dhacda,waxaana doorashadani ay ka duwan tahay doorashooyinkii hore uga dhici jiray Itoobiya

 

https://www.premierbank.so/