https://www.premierbank.so/

Caaqilo & Madax-dhaqameed si foojari ah ugu sameeya Dhalashada & Baasaboorka Somaliland

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay shaacisay in ay go’aansatay in Paasapoorka iyo kaadhka dhalashada ee Somaliland aanay qaadan cid aan u dhalan Somaliland madaama oo ay arrintaasi ku jirto nabadgaliyada iyo dawladnimada Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kahin Axmed ayaa sheegay in ka xukuumad ahaan ay gacanta ku hayaan liis ay ku qoran yihiin dad aan u dhalan Somaliland oo ay damiinteen qaar kamid ah cuqaasha iyo madaxdhaqameedka Somaliland,arrintaasi ay qalad wayn ahayn.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu sheegay in ay talaabo ka qaadi doonaan madaxdhaqameedka falalkaasi ku kacay, ka wasaarad ahaana ay baahin doonaan liiska ay gacanta ku hayaan una gudbin doonaan gobolada iyo degmooyinka dalka,sidoo kalena hadii qof aan u dhalan Somaliland oo ay damiinteen cuqaashu uu amni darro iyo falal kale ka gaysto Somaliland in ay masuuliyadooda qaadi doonaan cuqaashii damiinta,arrintaasina aanay dib u dhici doonin sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo dib loogu dardargalinayay qaadashada kaadhadhka dhalashada ee Somaliland ayaa intaasi ku daray in dhamaan shaqaalaha ka hawlgala diiwaangalinta muwaadiniinta in looga baahan yahay in ay ilaalinta xogta qaranka ee lagu aaminay,waxaana uu ku amaanay shaqada ay qaranka u hayaan.

https://www.premierbank.so/