https://www.premierbank.so/

Somaliland waa ku ceeb inay Jabuuti wax-walba ka sugto – Gudoomiyaha UCID

Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Mudane Faysal Cali Xuseen ayaa nasiib darro wayn ku tilmaamay in 28 Sanno oo ay Somaliland dawlad madax banaan ahayd ay  dawladda Jabuuti ku guulaysatay in ay dekeda u samaysato xoolaha Somaliland oo uu tilmaamay in ay yihiin lafdhabarka Somaliland iyo waliba in Somaliland oo badd leh ay xadhiga Internetka ka qaadato dawladda Jabuuti sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha UCID ee Somaliland waxa uu sheegay in arrintamahaasi ay sababteeda leedahay daacadnimo la’aanta madaxda Somaliland oo uu ku eedeeyey in ay danaha qaranka ka horeysiiyaan danahooda shakhsiga ah,sidoo kalena dantii guud ee Somaliland ay tahay mid baylah ah oo uu yar yahay masuul dawladda ka tirsan oo ka fakaraya danta Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiye  Faysal Cali Waraabe oo Khamiista 6 Febwarwari hadal ka jeediyey madal ay shahaado sharaf ku gudoonsiinayeen arday uu ka bixin jirey waxbarashadii Jaamacadooda ayaa sidoo kalena sheegay in Somaliland ay maanta ugu liidato dhinaca aqoonta Soomaali oodhan,loona baahan yahay in dhalinyaradu wakhtigan ay ka waantowdo qabyaaladda iskuna tashato si ay saamayn ugu yeeshaan Somaliland.

Dhinaca kalena gudoomiyaha UCID ee Somaliland waxa uu dawladda fadaraalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyey inay faragalin ku hayso Somaliland,islamarkaana afar qof oo aanu magac dhabin ay ku doonayaan in waxii reer Somaliland qori lagaga qaadi waayey ay kaga qaadan qallin iyo siyaasadd,burburkeedana ku hawlan yihiin.

Dhalinyaradda Somaliladn ayuu usoo jeediyey in ay dalkooda usoo jeestaan wanaaggana ay is faraan xumaan kastena iska suuliyaan.

https://www.premierbank.so/