https://www.premierbank.so/

Raโ€™iisul Wasaare Khayre Oo Dalka Kusoo Laabtay Kadib Safarkiisii Shaqo Ee Faransiiska, Belgium Iyo Qatar

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudaneย Xasan Cali Khayreย oo caawa dib ugu soo laabtay dalka kadib safarradii shaqo ee wadamada Faransiiska, Belgium iyo Qatar, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa safarkiisa oo guul kusoo dhamaaday waxuu ka billaawday Faransiiska, waxaana magaalada Paris kusoo dhaweeyayย madaxweynaha Faransiiska.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qayb galay kulanka sanadlaha ah eeย madasha nabadda Paris, ayaa dhanka kale booqday safaaradda Soomaaliyeed ee Paris, waxuuna ballan qaaday in dowladduย dayactir iyo horumarinย ku sameyneyso dhismaha safaaradda iyo hoyga safiirka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu Paris u joogay ka qayb galka kulanka madasha, waxuu kulamo doceedyo la qaatay, wasiirrada arrimaha dibaddaย Faransiiska, The Netherlands,ย Ruushka iyo Filand, iyo xoghayaha arrimaha dibadda Sweden.

Dhammaan mas’uuliyiinta uu kulamada la qaatay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay xoojinta xariirka dalalkooda kala dhexeeya Soomaaliya, arrimaha deyn cafinta iyo horumarka laga gaaray dib-u-habeynta dowladdu ay dalka ka waddo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Paris kula kulmay madaxweynaha bangiga horumarinta Islaamka, Dr. Bandar Hajjar iyoย xoghayaha guud ee wariyaasha aan xuduudda laheyn..

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Faransiiska uga sii safray Belgium waxuuna magaalada Brussels kulamo kula qaatayย guddoomiyaha guddigaย midawga Yurub ee Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah iyoย madaxweyne ku-xigeenka midawga Yurubย oo ay ka wada hadleen xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda.

Mudane Xasan Cali Khayre oo safarkiisa oo qaatay 10 maalin kusoo gebagebeeyay Qatar, ayaa amiirka Qatar, Amiir Tamim bin Hamad Al Than, Dooxa kula qaatayย kulan looga hadlayย xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.