https://www.premierbank.so/

Sh. Shariif Oo Digniin Culus U Diray Madaxdda Fadaraalka & Dowladda Soomaaliya Oo U Jawaabtay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sheekh Shariif Sh Axmed ahna gudoomiyaha madal ay ku midaysanyihiin qaar ka mid ah xisbiyadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo habeenimadii ay isniintu soo galaysay 10-ka novenber shir ja’raaid ku qabtay muqdisho  ayaa waxaa uu ka hadlay xayiraada saacadu kooban la saaray diyaarad shalay u qaaday magaaladda Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan

 Sheekh Shariif ayaa waxaa uu eedeeyn kulul u jeeday Madaxda dowladda Federaalka, isagoona sheegay in dowladdu ay wado dulmi iyo xadgudub waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa dowladda uga digay tallaabooyinka ay qaadeyso, wuxuuna ku daartay in Magaalada laga saarayo madaxda haatan talada dalka heysa hadii aysan joojin sida hada ay wax u wadaan.

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya waxa uu Tusaale u soo qaatay in magaaladda muqdisho laga saaray Mooryaan  hubaysan ciidamadii  Ethiopia  iyo  Shabaab isga oona isbarbardhigay dhinacyadahaas uu tilmaamay iyo madaxda hataana ka arimisa villa soomaaliya

Wasiir Maxmaed Cabdi Maareeye

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda soomaaliya  Maxamed Cabdi xayir Maareeye oo ka jawaabay hadalka ka soo yeeray sheikh shariif ayaa sheegay in hadalkii kasoo yeeray madaxweynihii hore  uu layaab ku noqday dowladda Federaalka ah iyo shacabka Soomaaliyeed

Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu  tilmaamay in hadalkii Sheekh Shariif uu jeediyay uu ahaa mid aan laga filan kari inuu ku hadlo qof dalkaan Madaxweyne ka soo noqday.

Wasiir  Maareeye ayaa Madaxweynihii hore ee dalka soomaaliya ugu baaqay inuu dhowro magaciisa iyo sharfkiisa, kana dheeraado waxkasto oo dhaawici kara muuqaalka qaran ee uu xambaarsan yahay.

Waxa uu sidoo kale sheegay Mudane Maareeye  in dowladda, Madaxdii hore  iyo cid kasta oo dooneysa horumar inuu waajib ka saaran yahay ilaalinta Midnimada, badqabka amniga guud ee dalka iyo ummadda Soomaaliyeed.

https://www.premierbank.so/