https://www.premierbank.so/

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Booqday Berdaale

Mudane Xasan Cali Khayre oo tegay goobaha ay ku suganyihiin
qoysaska ka barakacay fatahaadaha ayaa dadkii uu la kulmay u muujiyay sida
dowladda Soomaaliyeed ay uga go’antahay garab istaagidda dadka Soomaaliyeed ee
dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha.

Berdaale, Sabti, Nofeembar 09, 2019—Ra’iisul Wasaaraha
xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo maanta booqday
degmada Berdaale ee gobalka Baay ayaa u kuur galay xaaladda dadka fatahaaduhu
saameeyeen iyo sida loo wado howlaha loogu gurmanayo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis
Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaarahaha uga warbixiyay sida wax u
socdaan iyo xaaladda deegaanka guud ahaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed
iyo dowladaha qeybta ka qaatay dadaallada gurmadka, ayaa ku bogaadiyay howsha
wadajirka ah ee wadaan hey’adaha gargaarka ee gudaha, kuwa heer caalami,
guddiga gurmadka fatahaadaha iyo dhammaan inta ku howlahan samata bixinta
dhibbanayaasha fatahaadaha.

Guddiga gurmadka fatahaadaha oo gudanaya waajibaadka ka
saaran badbaadinta dadka fatahaaduhu saameeyeen ayaa degmada Berdaale
gaarsiiyay shan diyaaradood oo gargaar ah, waxuuna Ra’iisul Wasaaruhu guddiga
faray in ay laba jibbaaraan dadaalka ay wadaan.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa wada qorshe xal waara looga
gaarayo fatahaadaha soo laalaabta ee dhibaatada badan ku haya qeybo kamid ah
goballada dalka, waxaana dhawaan la soo saarayaa siyaasad cad oo lagu wajahayo.

https://www.premierbank.so/