https://www.premierbank.so/

Ciidamo ka tirsan Ahlu-Suna & gadiid ay wateen oo ku biiray ciidanka dowladda Soomaaliya

Sarkaal ka tirsan ciidanka Ahlusuna, gaadiid dagaal iyo ciidamo isaga la socday ayaa lagu soo waramayaa in ay u goosteen dhinaca ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan Dhuusamareeb.

Cabdullaahi Daahir Rooble Cadde oo ahaa taliyihii maamulka Ahlusunna ayaa ku jiray Ciidamo dhawaan isaga baxay deegaanka Guriceel, kaddib markii Ciidanka dowladda ay la wareegeen deegaanka.

Saraakiisha ciidanka dowladda iyo taliyihii maamulka Ahlusunna, ayaa isku afgartay in taliyaha iyo ciidankiisa uu ku biro dowladda, kana soot ago kooxda Ahlusuna, sida ilo wareedyo ay u shegeen codka Bariga Africa.

Sarkaalkaan ayaa la sheegay in uu inta badan gacanta ku haayay hubka iyo gaadiidka Ururka Ahlusunna oo muddo dagaal kula jiray Al-Shabaab, islamarkaana ka howlgalaayay degmooyinkii Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan.

Ciidanka dowladda ayaa sheegay in la xaliyo tabashada ay qabeen Saraakiisha Ahlusunna ee ka baxay Magaalooyinkii ay kala wareegeen Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa maalin ka hor markii  210 askari oo ka tirsanaa ciidammada uu fadhigoodu yahay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, isla markaana hoostagta maamulka Jubbaland, ay u goosteen dhinaca dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Ciidanka ka tagay Beledxaawo ayaa go’aankooda ku dhawaaqay ka dib markii ay gaareen Magaalada Luuq.

https://www.premierbank.so/