DFS Oo Ku Dhawaaqday Xiliga Ay Bixineyso Liisankii Ugu Horreeyay Ee Shidaal Baadhista Dalka Soomaaliya
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta xukuumadda Soomaaliya, Cabdirashid Maxamed Axmed, ayaa sheegay in soomaaliya ay ku tala jirto Bisha Disember ee Sanadkan in ay bixiso shatiyo Shidaal oo gaaraya 30 Bilyan oo Birmiil.
C/rashiid Maxamed oo Magaalada Cape Town ee Dalka Koofur Afrika kaga qeyb galaya shirka Shidaalka iyo Gaaska ee Afrika ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in ay shirkado badani ku loollami doonaan qaadashada Shatiyadaasi.
Sahankii dhowaan laga sameeyay 15 xirmo ayuu sheegay Wasiirku in uu ku jiro Shidaal qiimahiisu gaaraya 30 Bilyan oo Birmiil, kaas oo fursado shaqo u noqon doona Dhallinyarada, Gacanna ka geysan karta in da’ yartu aysan ku biirin kooxaha Burcad badeedda.
Wuxuu sheegay in goobaha laga helay xirmooyinka ay ka fog yihiin halka ay ku muransan yihiin Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, lagana nadiifiyay Kooxahii Burcad Badeedda ahaa .