https://www.premierbank.so/

Dowladda sooomaaliya Oo Ciidamo Hor Leh mar kale gaysay magaaalada Dhuusamareeb

Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta oo Isniin waxaa ka degtay diyaarad sida Cutubyo hor leh oo ka tirsan Ciidanka Booliska ee sida gaarka u tababaran ee Harmacad kuwaasi oo laga diray magaalada muqdisho.

Ciidamadani  gaaray magaalada dhuusomareeb  ayaa  tirro ahaan gaarayay ilaa iyo  50 Askari waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaaalda.

Sidoo kale Ciidanka ayaa la sheegay in halkaas ay geysay dowladda, iyagoona ku biiraya kuwii horey halkaas loo geeyay, waxaana la dejin doonaan Xarumaha Ciidamada dowladda ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Dowladda fadaraalka soomaaliya ayaa tiraba dhawr jeer  oo hore  Dhuusamareeb ku dajisay Ciidamo kala duwan, kuwaasi oo ay tilmaamtay inay qeyb ka noqonayan  sugida amniga Magaalada dhuusa mareeb iyo xoreynta deegaanada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Si kastaba ha ahaate magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu wadaa inay dhawaan ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka galmudug  iyo mida Madaxweynaha Galmudug, iyadoona halkaas haatan ay ka socdaan qorshaha lagu dhisayo Galmudug Cusub oo ay ku midaysanyihiin dadka daga halkaasi  iyadoona arrimahaas ay xiligan  gacanta ku heyso dowladda fadaraalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Amar kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu joojiyey dhaq dhaqaaqyada la xiriira dhinaca doorashada  oo ay  halkaasi ka wadeen Xubnaha Guddiga doorashada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay watay hawlahooda caadiga ah.

Amarkan oo la ogeysiiyey hoggaanka Ahlusunna iyo Saraakiisha Xarunta Inji ayaa lagu sheegay in arrimo la xiriira dhinaca doorashada aysan qaban karin guddi ka madax banana guddiga ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya fadaraalka iyo dibu heshiisiinta galmudug.

Xubnaha gudida oo uu magacaabay sheikh maxamed shaakir ayaaa looga digay iny qabataan kulamo ku saabsan arimaha doorashada islamarkaana waxa lagu wargaliyay in ay wakiil ka yihiin gudida doorashada ee dawladu u magacawday doorashada deegaamnada galmudug

Madaxa xukumada maamulka galmudug sheikh maxamed shaakir cali xasan ayaa hore u magacaabay gudida doorashada galmudug ilaa hadana ma lama oga waxa uu shaqadooodi caadiga ahaa ka badali amarkani ka soo baxay dawlada soomaaliya

https://www.premierbank.so/