https://www.premierbank.so/

Garoonkii diyaaradaha Baladweyne Oo Xidhmay Iyo Isbitaalka Magaaladaasi Oo Isna Qarka U Saaran In Uu Xidhmo

Wararka naga soo gaaraya gobolka hiiraan ee bartamaha soomaaliya ayaa waxa  sheegayaan in roob saacadihii la soo dhaafay ka da’ay gobolkaasi uu hakad galiyay dhaqdhaqaaqii garoonka diyaaradaha magaaladda balaweyne’

roobka oo da’ayay ku dhawaad 8 saacadood oo xiriir ah, sidda dadka deegaanku ay noo sheegeen ayaa waxa uu biyo badan dhigay  Xaafadaha kala duwan ee Baladweyne oo dhawaan uu ku fatahay Wabiga Shabeelle.

Sidoo kale waxaa gabi ahaan xirmay Garoonka diyaaradaha Baladweyne  kadib markii ay kusoo rogmadeen daadad biyo ah, kuwaasi oo saamayn ku yeeshay dhabadda ay diyaaraduhu ka haadaan kuna soo dagaan ee garoonka diyaaradaha baladweyne ee ugaas khaliif

Xirnaashaha garoonka baladweyne waxa uu sameeyay Diyaaradu gargaar sidda oo la filayay in ay maanta gaaraan halkaasi iyo sidoo kale Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif oo salaasadda 5-ta novenber ku wajahnaa magaaladda baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan

Garoonka diyaaradaha magaaladda Baladweyne ayaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale  u xirmay, kadib markii uu ku fatahay Wabiga Shabeelle xirnaashihiisa ayaana culayska ku sii siyaadinaaya dadka ay fatahaadu saamaysay oo uu ahaa halka kaliya ee gargaarka laga gaarsiiyo

Dhinaca Kale Isbitaalka guud ee Magaalada Baladweyne  ayaa waxaa xiligaan uu ku dhow yahay in uu xirmo,kadib fatahaada Wabiga Shabeelle iyo Roobab ka da’ay Magaalada Baladweyne oo biyo dhigay.

Sawirro laga soo qaaday guddaha isbitaalka ayaa muujinayo biyaha roobka oo aad u buux dhaafiyay qeybo ka mid ah isbitaalka

Wasiirka caafimaadka xukuumadda soomaaliya Fowziyo Abiikar Nuur Iyo Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya Cabdullhi Goodax Bare Oo Isbitaalka Booqday xilli ay  ka socdeen howlo Biyaha looga saarayo ayaa ku Baaqay in Cid kasta oo gacan ka geysaneysa  ololaha biyaha looga saarayo isbitaalka in ay ka qeyb qaataan gurmadka

Xaalada Magaalada Baladweyne ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay mid aan wanaagsaneyn kadib markii guud ahaan dadkii magaaladaasi ku noolay ay iska barakeen fatahaada wabiga shabeele owgeed

https://www.premierbank.so/