https://www.premierbank.so/

Shirkadda Ethiopian Airline ayaa baadhaysa cabashada arday Soomaali ah

Shirkada duulimaadyada diyaaradaha ee Itoobiyaan Airline ayaa ka jawaabtay cabasho kasoo yeedhay dhalinyaro Soomaali ah oo shaqo ka raadsaday, balse sheegay in ay caddaalad darro wayn iyo gacan bidixayn kala kulmeen imtixaan ay u galeen boosas ka banaanaaday shirkadda, gaar ahaan waaxda duuliyeyaasha.

Maareeyaha shirkada Diyaaradaha ee Itoobiyaan Airline mudane Tawadhat Minu Maryam ayaa sheegay in cabashada dhalinyaradani ay soo gaadhay xafiiskiisa, islamarkaana ay ka wadahadleen hogaanka dawlad degaanka Somaalida iyo gudoomiyaha xisbiga dimuqraadiga shacabka mudane Axmed Shide, oo isla markaana ah wasiirka maaliyadda dawladda fadaraalka ah ee Itoobiya.

Maareeyaha diyaaradaha Itoobiyan Airline oo khadka telefoonka kula hadlay telefeeshinka dawlad deegaanka Soomaalida, ayaa sheegay in kiiskan ay u saarayaaan guddi xaqiiqo raadis ah oo baadhis ku samaysa, sida ay wax u dhaceen, waxii natiijo ahna ay la wadaagayaan warbaahinta.

30 dhalinyaro Soomaali ah oo dhammaystay jaamacadda Jigjiga ayaa ka mid ahaa dadkii tartanka u galay kaalinta duuliyenimo ee ka bannaanayd shirkadda Ethiopian Airline. Afar ka mid ah dhalinyaradaas ayaana ka soo gudbay wareeggii koowaad ee imtixaanka, laakiin sida ay shirkaddu shaacisay waxa ay ku hadheen wareeggii labaad ee waraysiga tooska ah ahaa. Afartan arday ayaa saluug ka muujiyey sheegashada shirkadda ee ah in ay hadheen, waxa aanay ka cawdeen in ay cadaalad darro weyn la kulmeen.

Waxa kale oo ay dhalinyarada Soomaalida ahi cabashadooda ku sheegeen in ay masuuliyiinta shirkadda Ethiopian Airline kala kulmeen habdhaqan uu ka muuqday faquuq, isir nacayb iyo bahdilaad, iyaga oo dawladda Federaalka ah ugu baaqay in ay arrinkooda hoos u eegto. Iyo in deegaannada kala duwan ee dalka si caddaalad ah loogu qaybiyo fursadaha shaqo ee ka bannaanadaaha laamaha dawladda.

https://www.premierbank.so/