https://www.premierbank.so/

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku guulaystay abaalmarinta Nobel ee nabadda ee caalamiga ah.

Guddiga
soo xulidda guulaystayaasha abaalmarinta Noble Peace Prize ayaa jimcaha 11-ka
Oktoobar ku dhawaaqday in raysalwasaare Abiy Axmed uu helay abaalmarinta
nabadda ee sannadkan, kaddib markii uu ka guulaystay saddex boqol oo qof oo la
sharraxnaa.

Guddoomiyaha
guddiga abaal marinta nabadda caalamiga ah marwo Biriit Rays Anderson, ayaa
sheegtay in raysalwasaare Axmed lagu doortay dadaalka uu ka galay nabad
abuurista iyo adeegga uu geliyey iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan hindisihii
hal-adayggu ka muuqday ee uu ku soo afjaray khilaafkii xuduudka ee muddada
dheer ka dhexeeyey dalkiisa iyo dalka Ereteriya.

Raysalwasaaraha
43 jirka ah ayaa ay indhaha adduunku mar keliya ku soo jeesteen sannadkii hore
markii uu ku guulaystay in uu soo afjaro colaaddii malaayiintu ku dhinteen ee
labaatanka sano dhextaallay dalkiisa iyo dalka ay jaarka yihiin, waxa kale oo
xiise abuuray dadaalkii uu geliyey isu soo dhoweynta dalalka Geeska Afrika,
dejinta colaaddii dalalka Jabbuuti iyo Ereteriya inkasta oo aan weli xal kama
dambays ah laga gaadhin iyo isu soo jiidista mucaaradka iyo golaha milateriga
ee dalka Suudaan, oo horseeday in dalkaas xukuumad ku meelgaadh ah laga dhiso.

Abaalmarinta
uu raysalwasaare Abiy Axmed ku guulaystay waxaa muddo quudarraynayey
madaxweynaha dalka Maraykanka oo ay warbaahinta qaarkeed mar saadaalisay in uu
ku guulaysan karo, kaddib markii uu dejiyey colaaddii diblumaasiyadeed ee u
dhexeysay maraykanka iyo Kuuriyada woqooyi oo mararka qaarkood meel adag
joogtay. Laakiin Trump ayaa mar uu toddobaadkan hadlay quus ka muujiyey in uu
ku guulaysan karo abaalmarintaas, isaga oo sheegay in sababta uu ku waayayaa ay
tahay cadaalad darro uu ka filayo xeerbeegtida soo kala xulaysa dadka. Sida uu
hadalka u dhigay.

https://www.premierbank.so/