https://www.premierbank.so/

Xil. Qabille oo ka hadlay Mashruuca Yariisoow ee Berbera iyo Arinta Caarre

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay mashruucii midowga Yurub ee loogu magacdaray duqii hore ee Muqdisho, in isaga oo aan magacii laga beddelin lagu wareejiyey duqa magaalada Berbera Mudane Cabdishakuur Ciddin. Arritnaas oo uu sheegay in ay ka hor imanayso hadalkii hore uga soo baxay xukuumadda Somaliland ee ahaa in aanay aqbalayn mashruuc magacaas sita in laga hirgeliyo Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan xildhibaannada gobalka Saaxil ka soo galay golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar uu jimchaha 11-ka Oktoobar la hadlay talefishankan CODKA BARIGA AFRIKA waxa uu sheegay in guddiga dabagalka iyo la socoshada hantida qaranka ee golaha wakiillada oo uu xubin ka yahay ay dabagal ku samayn doonto xaqiiqada mashruucaas.

Dhinaca kalana waxa uu xildhibaan Qabile sheegay in waqtigan aanay sax ahayn in madaxweynuhu uu ka qabgalo aaska Madaxweynaha Jabbuuti walaalkii, taas oo uu sheegay in ay kaga filnayd in uu xubno wasiirradiisa ka mid ah iyo xildhibaanno wakiisho, maadaama oo ay u yaalleen hawlo qaran oo xal u raadintoodu muhiim tahay, taas oo ay ka mid tahay arirnta kornayl Caarre.

Xildhibaanka oo ka hadlayey kulankii dhowaan ay yeesheen odayaasha dhaqanka ee beesha Kornayl Caarre iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland ayaa ammaanay odayaasha iyo siyaasiyiinta oo uu sheegay in ay si fiican ula kulmeen madaxweynaha, laakiin waxa uu madaxweynaha ku dhaliilay in uu muujiyey in aanu ahayn qof go’aan qaadan kara.

Xildhibaanku waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynaha oo leh awood sharci oo uu wax ku cafiyi karo, in uu odayaasha iyo siyaasiyiinta u sheegay in aanu isagu awood u lahayn in uu cafiyo Kornayl Caarre, taas oo uu sheegay in ay dhabarjab ku noqotay madax-dhaqameedka. Waxa aanu madaxweynaha ku eedeeyey in uu dhabarka saartay eedii, ahayd in dulqaad aanu lahayn. Sida uu hadalka u dhigay.