https://www.premierbank.so/

Soomaaliya oo u yeedhay Safiirka Kiiniya ee Muqdisho

Dawladda Soomaaliya
ayaa danjiraha Kenya u jooga Soomaaliya u dhiibtay dhambaal diblumaasiyadeed ay
ku diidan tahay xad gudub ay sheegtay in dawladda Kenya ay ku samaysay hawada
Soomaaliya, kaddib markii diyaarad sidday siyaasiyiin Soomaali ah oo toos uga
soo duushay Nayroobi ay ku degtay magaalada Kismaayo iyada oo aan fasax ka
haysan hay’adda maamulka hawada ee Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha
dibadda Soomaaliya ayaa khamiistii 10-ka Oktoobar u yeedhay safiirka Kenya
Lukas Tumbo si ay ugu dhiibto dhambaal diidmo oo ka dhan ah diyaaraddaas 5-tii
Oktoobar fadhiisatay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Toddobaad ka hor ayaa
ay dawladda Soomaaliya waxa ay hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan
duulimaadyada rayidka ah ee ICAO (Ikaawo) u gudbisay dacwad arrintan la
xidhiidha.

Dawladda Soomaaliya oo
ka hortegeysay in dad muhiim ahi ay ka qaybgalaan munaasabadda caleemo saarka
madaxweynaha aanay aqoonsanayn ee Jubaland ayaa bishii Sabtembar soo saartay
amar ay ku sheegayso in diyaaradaha ku socda garoonka Kismaayo ay marka hore
fadhiistaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, muddo yar kaddibna waxa ay dawladdu
mamnuucday gebi ahaanba in garoonka Kismaayo ay diyaaraduhu ku degaan, Laakiin
diyaaraddan ay xukuumadda Soomaaliya cabashada ka gudbisay oo sidday
siyaasiyiin Soomaali ah ayaa jebisay amarkaas, oo si toos ah ugu degtay
Kismaayo.

Dawladda Soomaaliya
dhambaalka ay u dhiibtay danjiraha Kenya waxa ay ku sheegtay in ay si weyn uga
soo horjeeddo xadgudubkaas Kenya, isla markaana aanay aqbali dooninin in lagu
xadgudbo hawadeeda, baddeeda iyo xuduudkeeda dhuleed midna. Waxa aanay dawladda
Kenya ka dalbatay in ay jawaab ka bixiso xadgudubkan.

Dawladda
Soomaaliya ayaa hadda qaaday xayiraadda saarnayd garoonka Kismaayo, waxa aanay
taasi suurtagelisay in madaxweyneyaal hore, madaxweynaha Puntland iyo
siyaasiyiin kala duwani tagaan Kismaayo si ay uga qaybgalaan xafladda
caleemo-saarka.

https://www.premierbank.so/